Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions League iyo Stadium San Siro Oo Martigelin Doona Madrid Derby

Madrid-(Puntland Post) Kooxda Real Madrid ayaa ciyaar ay u qalantay ugu soo gudubtay finalka Champions League iyadoona Milano kula ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid kaddib markii ay gool madi ah ku martay kooxda Man City 1-0.

Gool uu daqiiqadii 20aad ee ciyaarta uu iska dhaliyay ciyaariyahanka khadka dhexe ee kooxda Man City ee Fernando ayaa ugu filnaa Madrid iney iska xaadiriso ciyaar dhamaadka koobkaan.

Mar jiraan fursado kale oo xoogan oo la isku helay ciyaarta marka laga tago mid uu birta meel hoose kaga dhuftay Fernandinho kubbad uu ka helay De Bruyne dhammaadka qeybtii hore.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayay Real Madrid sameysay afar shuut halka ay Man City sameysay 2-shuut laakiin Madrid ayaa sameysay shuut saxan oo gool u badelmay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 54-aad Bale oo si la yaqaano u biday ayaa kubbad madaxa u saaray Ronaldo oo si fiican u galay balse waa laga qabtay, wax yar uun kaddib Ronaldo ayaa markale laga qabtay laad uu isla laabay oo waxaa qabtay goolhaye Hart.

Daqiiqadii 62-aad Man City ayay badeshay Yaya Toure oo wax saameyn ah ku lahayn ciyaarta iyadoo soo galisay Raheem Sterling.

Fursad khatar ah waxaa birta ku dhuftay koorno la soo qaaday Gareth Bale daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta.

James Rodriguez ayaa la keenay daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta waxaana lagu badelay Isco.

88-daqiiqo Aguero ayaa meel dheer ka soo laaday darbo aad u kulul birta sare ayay kor martay iyadoo sii taabatay shabaqa kore.

Ma jiraan wax fursad ah ay Man City la beegsatay goolka kooxda Real Madrid, waxayna ku soo idlaatay ciyaarta 1-0.

r7

r6

r4

r3

r2

r1
PUNTLAND POST