Wafdi ka socda DFS iyo Jaamacadda Carabta oo Bosaso lagu soo dhaweeyay

Bosaso(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka xanaanada xoolaha DFS, Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa maanta oo Arbaco ah lagu soo dhaweeyay xarunta Gobalka Bari ee Bosaso.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha kaga hortagay wasiirka xananada xoolaha Puntland iyo masuliyiin ka socotay Rugta ganacsiga Puntland.

Wasiirka Xanaanada xoolaha Puntland Mudane Cabdi Jamaal Cismaan oo ugu horeyntii saxaafada la hadlay ayaa sheegay wafdigan uu hoggaamiyo wasiirka xanaanada xolaha DFS ay ka mid yihiin masuuliyiin ka socda Jaamacadda Carabta gaar ahaan beeraha iyo xoolaha, wuxuna sheegay inay waajibaad ka saaran yahay sidii shacabka Puntland loogu raadin lahaa horumarka xoolaha.

Cabdi-Jamaal ayaa sheegay in dad ganacsato ah ay sameeyeen goobo lagu naaxiyo xoolaha kuwaasina lasoo tusi doono wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta oo socdaalkoodu salka ku hayo u guur galida xaalada beeraha iyo xoolaha.

Wasiirka xanaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa DFS,Siciid Xuseen Ciid ayaa ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada Bosaso, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada ay Puntland ku yimaadeen.

Wafdigan ka socda jaamacadda Carabta gaar ahaan horumarinta beeraha iyo xoolaha ayaa lagu wadaa markey dhamaystaan booqashadooda Puntland inay gaaraan mamulada kala ee dalka ka jira.

PUNTLAND POST