Donald Trump oo u dhow inuu noqdo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Doorashada Madaxtinimada Maraykanka

Murashaxa Ted Cruz oo Kasoo jeeda Gobalka Texas ee Dalka Maraykanka ayaa isaga haray xulashadii Murashaxa xisbiga Jamhuuriga u ma teli doona Doorashada Madaxtinimada Maraykanka Markii uu ku guul-daraystay Doorashadii ka dhacday Gobalka Indiana, uuna siweyn ugu guulaystay Maalqabeenka Donald Trump .

Cruz ayaa u sheegay taageerayaashiisa inuu isaga haray isreeb-reebkii Xisbiga Jamhuuriga markii uu ku guuldaraystay Doorashadii ka dhacday Gobalka Indiana oo ahayd rajadiisii ugu dambaysay.

Dhanka kale Donald Trump oo ah ninka u muuqda inuu xisbiga Jamhuurigu u soo xulan Doono Doorashada Madaxtinimada Dalkaas ayaa isagoo faraxsan soo dhaweeyey inuu Cruz isaga haro Is-reeb-reebkii Doorashada, isagoo siweyn ugu Mahadceliyey Dadka Gobalka Indiana oo siweyn u taageeray, wuxuuna sheegay inuusan waligood ilaawi doonin Dadka reer Indiana, Isagoo Cruz ku sifeeyey Shaqsi dadaal iyo karti muujiyey intii uu la tartamaayey.

Trump ayaa ah nin hadalo qalafsan oo marar kala duwan u gafay qaar kamid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Dalka Maraykanka sida Dadka Latiinka ah, Dadka Madow iyo Islaamka, waxayna Dad badan oo Maraykanka ku nool samaynayaan Muqaallo Dacaayad ah si looga hortago inuu ninkani noqdo Murashaxa mateli doono Xisbiga Jamhuuriga.

Is-reeb-reebka Xisbiga Jamhuuriga iminka waxaa isugu soo haray Gudoomiyaha Gobalka Ohio John Richard iyo Maal-qabeenka Donald Trump, wuxuuse u muuqda Mr Trump inuu noqon doono qofka uu Xisbiga Jamhuurigu u xulan doono Doorashada Madaxtinimada Dalka.

Dhanka kale Is-reeb-reebkii Xisbiga Dumaqraadiga ee Gobalka Indiana waxaa ku guulaystay Bernie Sanders isagoo ka adkaaday haweynayda weli hogaaminaysa codadka Xisbigaas ee Hillary Cliton, Wayse adag tahay in weli la saadaliyo cida uu xisbigaas u xulan doono tartanka Doorashada Madaxtinimada Dalka.

 

PUNTLAND POST