Shirka Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Dalka Koonfur Afrika

Shirka Baarlamanaada Qaarada Afrika
Shirka Baarlamanaada Qaarada Afrika

Johannseburg(Puntland Post)-Shiweynaha Baarlamaanada Afrika ayaa ka furmay Magaalada Johannseburg  ee Dalka Koonfur Afrika, waxaana Shirkaas kasoo qayb galay xubno matalaayey Baarlamaanada Afrika, Marti Sharaf ka socotay Baarlamaanka Carabta iyo Madax kale oo ka yimi Dawladaha Qaarada.

Xubno ka socday Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulankan ka qayb galay ayaa siweyn usoo dhaweeyey inay arimaha Soomaaliya u gudbiyeen Baarlamaanadii Shirkan kaso qayb galay, Xildhibaan Cabdi Xukun  oo kamid ahaa xubnihii Shirka u matalaayey Soomaaliya ayaa sheegay in wax yaabaha diirada lagu saari doono inta uu Shirku socdo ay kamid tahay Mar xalada ka jirta Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Goobtaas ka dhacday Doorasho loogu tartamaayey Gudoomiyaha Baarlamaanka PAN Afrika ee Bariga Afrika, waxaana u tartamay Xildhibaan Cabdi Xukun oo ma talaayey Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Itoobiyaana, Iyadoo uu xilkaas ku gulaystay xildhibaankii Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ahaa kii afraad ee Pan Afrika, waxaana kulankan lagu faaqiday mar xaladaha ka jira Qaarada sida Saboolnimada,Tacdiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Dimuqraadiyada.

Puntland Post