Haweenka ganacsiga yar yarka ku haysta Bosaso oo maanta banaan-baxay, dowladdana baaq u jeediyay

2Bosaso(Puntland Post) Ganacsatadda khudaarta ku iibiya magalada Bosaso ayaa maanta dhigay banaanbax ay ku muujinayaan inay ka xun yihiin safarka lacagta oo kor u kacday, ka dib markii qiimaha lagu sarifo halka doolar ee Maraykanka uu suuqyada Puntland ka gaaray 26 Sh.Somaliga ah.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa hooyooyin suuqa khudrada ku iibiya ayaa mamulka ugu baaqay inay cabashadooda tixgaliyaan oo wax ka qabtaan maadama intooda badan uu ganacsigooda ku xiran yahay Shillinka Soomaaliga oo aysan doolar waxba ku iibsan, waxay sheegeen inay sii wadi doonaan maalmahan soo socda shaqo joojinta ay sameeyeen ilaa wax lagaa qabanayo xaalada ka taagan suuqyada ganacsiga.

Dadka banaan-baxay ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in suuqyada laso galiyay lacag Soomaali ah oo lagu sameeyay magalada Burco taasina ay qayb ka tahay sarac u kaca ku yimi sarifka doolarka, waxay tilmaameen madaxwaynaha Puntland inay uga baahan yihiin inuu arrintan wax ka qabto.

Sarifka Dollarka ayaa gaarey heerkii u sareysey muddo 6 sano ah, waxaana uu suuqyada Puntland ka gaarey $1=26000Sh.So. iyada oo suuqyada Koonfurta Soomaaliya aan waxba iska beddelin.

Ilaa iyo haddana cabashada banaan-baxayaasha dowladdu waxba kama qaban, shalay ayay ahayd markii magalada Garowe haweenka ganacsiga yar yarka ah gacanta ku haya ay ku banaan baxeen irida hore aqalka Baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood la xiray oo markii danbena lasoo siidaayay.

PUNTLAND POST