Atletico Madrid Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions League

Munich-(Puntland Post)  Kooxda Atletico Madrid ayaa ciyaar saxariir ay ka martay ugu soo baxday Final Champions League kaddib markii kooxda Bayern Munich ay uga adkaaday 2-1 balse ay iyadu lugtii hore ku soo adkaatay garoonkeeda 1-0.waan markii labaad seddex xilli ciyaareed gudaheed ay iska xaadirisay finalka Champions League-ga.

Qaybtii hore ee ciyaarta Waxay muuqatay in hal dhinac uun laga ciyaarayo oo Atletico daafac aan bixitaan lahayn ayay ciyaareysay halka kooxda Bayern Munich ay weerar joogta ah ku heysay shabaqa kooxda reer Spain.

Waxaa jiray fursado badan oo ay sameysay Bayern waxaase ugu darnaa midii ay sameysay daqiiqadii 20-aad mar uu  David Alaba meel dheer kubbada uga soo xaday Muller oo isna si fudud u siiyay Lewandowski laakiin waxaa beeniyay goolhaye Oblak oo runtii bad-baado badan sameeyay qeybtii hore.

Nasiib darro daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta Oblak waxaa laga dhaliyay Free kick uu soo tuuray Alonso balse ay ku sii dhacday saaxiibkii Jose Gimenez.

Seddex daqiiqo ka dib Bayern Munich waxaa soo martay fursad dahabi ah oo ay hogaanka ku qaban kareen markii Jimenez uu khalad ku galay Thomas Muller xerada ganaaxa, garsooraha reer Slovenia ayaana si saxan u tilmaamay gool ku laad. Waxaa u soo istaagay Thomas Muller laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay goolhaye Jon Oblak kaasoo sidoo kale kubadii ku celiska aheyd ka badbaadiyay Xabi Alonso, waxaana Qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ciyaarta ku heysay Bayern Munich.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Bayern Munich ayaa durba ku bilaabatay weerarkii ay waday qeybtii hore balse waa la dajiyay oo waxaa looga naxsaday gool rogaal celis ah. kubad ay Atletico iska soo bixisay ayaa waxaa helay Antonie Griezmann kaasoo madax ugu baasay Fernando Torres kaasoo isna aan ka daahin islamarkaana kubada sii daba raaciyay Griezmann, waxa ay kubada dhaaftay Alaba taasoo keentay in Griezmann uu la kor tago goolhaye Manuel Neuer islamarkaana uu shabaqa ka soo taabto.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 7aad ee uu Antonie Griezmann uu ka dhaliyo Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah iyadoo Atletico ay hogaanka 2-1 ku qabatay wadar ahaan natiijada labada kulan ee semi-finalka.

Bayern Munich ayaana ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 74aad iyagoo ka mirodhaliyay weerarkoodii joogtada ahaa, markii karoos uu soo dhigay David Alaba iyadoo madax uu ku baasay Arturo Vidal taasoo u sahashay Robert Lowendowski inuu si sahlan madax ugu dhaliyo kubada, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Bayern Munich ku hogaamineysay, balse ay Atletico heysatay faa’idada goolasha martida.

Daqiiqadii 83aad mar kale Bayern Munich ayaa laga yaabiyay markii garsooraha uu tilmaamay rigoore markii Fernando Torres uu kubad ku soo dhex qaatay Phillip Lahm iyo Javi Martinez iyadoo Martinez uu banaanka xerada goolka ku taabtay balse El Nino uu ku dhex dhacay xerada goolka.

Fernando Torres ayaana u soo istaagay rigoorada, laakiin si la mid ah sidii Thomas Muller, waa laga badbaadiyay El Nino iyadoo Manuel Neuer uu bixiyay kubada taasoo neefta ku soo celisay jamaahiirta garoonka Allainz Arena.

Goolhaye Jon Oblak ayaa isna mixnad ku noqday Bayern Munich isagoo ka badbaadiyay kubado loo fishay goolal halka Atletico ay iyadana kubada u difaacaneysay si adag si ay u ilaashadaan faa’idadooda goolasha martida ah.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-1 oo ay Bayern Munich ku badisay balse madaama ay labada lug barbaro 2-2 ah noqdeen wadar ahaan, waxaa sharciga goolasha martida ah ku soo baxday Atletico Madrid oo iska xaadirisay finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Milan dhamaadka bishaan.

at6

at5

at4

at3

at2

at1
PUNTLAND POST