Talyaaniga iyo IGAD oo tagay xarumo muhiim ah oo ku yaala magalada Bosaso

Bosaso(Puntland Post) Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Xoghayaha urur goboleedka IGAD ayaa shalay (Axad) tagay dekadda magalada Bosaso iyo garaash ay ku xaraysan yihiin qaar ka mid ah qalabkii lagu dhisi lahaa waddada isku xirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo taasoo lagu wado howsheeda in dhowaan la gudo galo.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa masuuliyiintan oo shalay ka dhoofay Airport-ka Bosaso geeyay xarumahan, waxa kale oo lasoo tusay dekadda yar oo loo sameeyay kalluumaysatada si ay halkaasi uga shaqaystaan, masuuliyiintii martida ahaa ayaa Puntland ku ammaanay horumarka muuqda ee la gaaray iyo nabadgalyada, waxayna sheegen inay sii waddi doonaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan gaar ahaan Puntland.

DAAWO meelihii ay masuuliyiintani booqdeen.

PUNTLAND POST