Kooxda Layaabka Xili Ciyaareedka 2015/16 Ee Leicester City Oo Si Rasmi Ah Markii Ugu Horaysay ku Guulaysatay Koobka Horyaal Ingiriiska

Leicester-(Puntland Post) Kooxda Leicester City ayaa iyada oo aan wax kubbad ah isku taaban ku guulaystay koobka horyaalka Ingiriiska kadib markii ay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Tottenham ay barbaro 2:2 ah Stamfrod Bridge kula gashay kooxda Cheslea. Chelsea ayaa awooday in ay barbaro ku qabto Tottenham si ay uga cidhibtirto tartanka Premier Leaque-ga.

Kooxda Leicester City oo xili ciyaareedkan si lama filaan ah u noqotay koox wacdaro cusub la soo baxday ayaa koobka Premier leaque-ga ku guulaystay iyada oo ay laba kulan ka hadhsan tahay xili ciyaareedka 2015/0216, waxayna hanatay koobkeedii horyaalka Ingiriiska ee ugu horeeyay.

Leicester City ayaa noqotay kooxdii 24 aad ee koobka heerka kowaad ee horyaalka Ingiriiska ku guulaystay waxayna sidoo kale noqotay kooxdii ugu horaysay ee markeedii ugu horasyay koobka horyaalka Ingiiriska ku guulaystay tan iyo sanadkii 1978 kii markaas oo ay kooxda  Nottingham Forest ay koobkeedii ugu horeeyay ee horyaalka Ingiriiska ay ku guulaysatay.

Tababaraha Leicester city koobkan u qaaday ee Claudio Ranieri ayaa isna noqday tababarihii 8 aad ee Premier Leaque-ga ku guulaystay. Lecester City ayaa si wayn ugu xafladaynaysa koobka ay ku guulaysteen iyaga oo shaqada fiican ee ay qayteen uga mahad celinaya Chelsea oo dil ka xigtay in Tottenham ay kooban ku guulaysto.

las

las1

las2

las3

las4

las5

las6
PUNTLAND POST