Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada madaafiic xalay saqdii dhexe lagu garaacay xerada Xalane

Muqdisho(Puntland Post)-Waxaa xalay saqdii dhexe laga Maqlay xeradda Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin Diblamasiyiin Caalamiya madaafiic waaweyn oo ku hoobanaya Xerada xalane  oo ku dhegan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka  Ciidamada nabad ilaalinta  AMISOM Joseph Kibet  oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONA ayaa u sheegay inay xeradaas kusoo dheceen illaa sadex madfac oo aysan weli hubin halka laga soo tuuray, mase sheegin khasaare ay geysteen Madaafiicdaasi.

Xeradda Xalane oo loyaqaan Aaga Cagaaran ee Muqdisho ayaa ah goob si aada Amaankeeda loo ilaaliyo, waxaana degan Safaaradaha iyo xarumaha kale ee Diblamasiyadeed ee ugu badan Magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada weeraradan lagu qaaday xerada Xalane, waxayna sheegeen inay xalay 1-dii hameenimo illaa 7 madfac ku garaaceen bartilmaameed ku yaala xerada xalane, ayna dib kasoo sheegi doonaan Khasaarihii ay madaafiicdaasi geysteen.

Puntland Post