Galmudug iyo DDSI oo ka heshiiyey Collaadii degaanka Daac-dheer

Cabdikariim X Guuleed iyo Cabdi M Cumar oo waa qaxweynaaya
Cabdikariim X Guuleed iyo Cabdi M Cumar oo wada qaxweynaaya

Jigjiga(Puntland Post)-Maalmihii u danbeeyey Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxay wada hadalo lagu soo afjaraayo colaadii ka dhacday Degaanka Daac-dheer ee Xuduuda Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya uga socdeen Maamulada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xusseen Guuleed ayaa tilmaamay in lasoo afjaray colaadii Daac-dheer ayna hada laga bilaabo Dadka degaanadaasi kuwada nolaan donaan nabad iyo walaalnimo buuxda si caadi ahna biyaha iyo daaqsinkaba uga wada faaidaysan doonaan.

Madaxweyne Guuleed ayaa qiray colaadan badideedu inay ka dhacday dhinica Itoobiya, wuxuuse rajo wanaagsan ka muujiyey inaysan soo laaban doonin mid lamid dagaalkii degaanka Daac-dheer ka dhacay.

Colaadan ayaa ka bilaabatay Dad reer Miyi ah oo wada degan degaanada lagu diriray hase ahaate Markii danbe waxaa isku dhacay Ciidamo kala taabacsan Labadda Maamul ee DDSI iyo Galmudug.

Wada hadaladan waxaa Garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo isagu dadaal u galay sidii loo soo afjari lahaa colaada labadda dhinac, isagoo Gacanta isku saaray Labadda Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Cabdikariim Xusseen Guleed.

Puntland Post