Gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay xero qaxooti oo ay Australia ku leedahay Jaziirada Nauru

mid kamid ah kaamam ay qaxootigu ku nool yihiin:  Photo: Angela Wylie.
mid kamid ah kaamam ay qaxootigu ku nool yihiin: Photo: Angela Wylie.

Gabar Soomaaliyeed oo 21 jir ah ayaa isku gubtay xero lagu hayo Dadka Magan-gelyo doonka ee Beegsanaaya Dalka Australia, taas oo ku taal jasiirad lagu magacaabo Nauru, waxayna Gabadhani kamid ahayd qaxooti tiro badan oo Jajiiradaas lagu hayey.

Saraakiisha Jasiiradaas ayaa sheegay in gabadha la dhigay isbitaal halkaas ku yaal, balse ay Codsi u direen Dawlada Australia si Isbitaal wanagsan oo halkaas ku yaal loogu dabiibo, waxayna xaaladeeda ku tilmaameen mid aad u adag.

Arintan ayaa kusoo aaaysa xili Maalmo kahor uu Nin u dhashay Dalka Pakistan uu u geeriyooday markii sidan oo kale uu isku gubay, waxaana arimahan oo dhan sababay nolosha Jasiiradaha ay Dawlada Austaralia ku hayso Dadka qaxootiga maadama sanadihii ugu danbeeyey aan Dalkaa loo ogolayn inay soo galaan Dadkan Magan galyo doonka ah, ayna xeryaha Jasiiraduhu aad u nolol adag yihiin.

Hay’adaha u dooda xaquuqda aadamaha ayaa si aada u cambaareeyey nolosha adag ee ay ku nool yihiin Dadka Magan-gelyo doonka ee ay Australia iskaga celisay xeryo ku yaal Jasiirado noloshoodu adag tahay, waxayna Dawlada Austaralia ugu baaqeen inay Dadkan u fasaxdo inay wadankeeda soo galaan.

Puntland Post