Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo sheegay inay mar kale la wareegeen degaanka Runirgood

Garowe(Puntland Post)-Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dib ugu laabteen Degaanka Runirgood oo ay Maalmo kahor uu ka dhacay Dagaal dhex maray Kooxda Al-shabaab iyo Ciidamada Dawlada, Kaas oo Ciidamada Milateriga Dawlada Soomaaliya lagaga diley in ka badan 20 askari, lagagana qabsaday Gaadiid Dagaal iyo saanad kale.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Da’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay inay Ciidamada Dawladu mar kale Gudaha u galeen tuulada Runirgood ayna isaga baxeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab, oo horay si xirfadaysan ula wareegey.

Degaankaas ayaa u muuqda mid aan xasiloonayn iyadoo wax ka yar toban maalmood gudahood midba mar qabsanaayeen Al-shabaab iyo Ciidamada Dawlada.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya inay adkayn doonaan Joogitaanka Runirgood ayna Ciidamadu Saldhigyo kale ka samaysteen Tuulooyinka iyo degaanada Kale ee dhow degaankaas.

Puntland Post