Hay’ada Shaqalaha rayidka ee Dawladda Puntland oo qaaday imtixaam shaqooyin loogu tartamaayo

Hay’ada Shaqalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa qaaday imtixaankii Madaxqaybeedyadaiibka(Procurement Head Units) ee Hay’ada iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya mashruca tayeeynta iyo shaqaalaysiinta qaybo ka mid ah hay’adaha Dowladda, mashruucaas oo uu maalgelintiisa bixiyey Bangigu addunka, ayna fulinayso Dowladda Puntland.

Dadka laga qaaday imtixaanka ee u tartamayay shaqooyinka bannaan ayaa ah dadu badan dhalinyaro aqoonyahay ah oo wax ku bartay jaamacadaha dalka iyo dibadaba, waxaana lagu kala xulayaa natiijada uu qof waliba ka keeno imtixaanka maanta laqaaday.

Munaasabada lagu daahfuray imtixaanka laga qaaday dadka shaqooyinka soo codsaday ayaa waxa goob joog ka ahaa dhammaan laamaha Dowladda Puntland ee u xilsaaran imtixaan qaadista.

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka Mudane Mustafe Said Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in shaqooyinka  ka bannaan Dowladda ee tartanka loogu jiro ay yihiin 9 boos, kuwaas oo uu sheegay inay imtixaam u galayaan 60 qof.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqooyinkan ay hore ugu soo bandhigeen bulshada, si buu yiri dadku ugu wada faa’iidaystaan.Waxa uu intaasi si raaciyey in  tartanka caynkan ahi uu la mid yahay tartamadii aqoonta ku dhisnaa.

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in shaqooyinka dawladda soo dhajiso,dadku u sinaan doonaan loona galidoona imtixaam furan oo u dhaca si hufnaan iyo sinnaan ah.

Ugu dambayntii tartamayaashii ayaa loo qaybiyeey waraqaha imtixaanka waxana si dhow u ilaalinayeey imtixaamka dad si gaar ah loogu soo xulay.

 

——————–Dhammaad—————-
1 2 3 4 5 Untitled