Shan sano kadib Dilkii Osama Binladen Maraykanku ma gaaray hadafkiisii?

Ciidamo Si khaasa  u tababaran oo katirsan Kumaandooska Dalka Maraykanka ayaa 2-May 2011 weerar ay ku qaadeen Guri weyn oo ku yaal Magaalada Abbotobad ee Dalka Pakistan waxay shaaciyeen inay Halkaas ku dileen ninkii loogu doon-doonista badnaa Caalamka, ahaana Hogaamiyihii ururka Al-qacida Sheekh Osama Biladen.

Xiligaa Madaxweyne Obama ayaa Warfidiyeenka kula hadlay aqalka Cad wuxuuna Dadkiisa Maraykanka ugu hambalyeeyey Dilka cadawgoodii ka diley Kumanaanka weeraradii 2001 ka dhacay Maraykanka.

Shan sano kadib Wadamada reer Galbeedka ayaa la daala dhacaaya la dagaalanka Kooxda Dacish oo i beenso tiri kooxdii Al-qacida oo aan iyadu Maamuli jirin dhul lamid ah kan baaxada weyn ee ay Dacish Maamusho.

Afhayeenka u hadlay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loyaqaan CIA ayaa sheegay inay wiiqen awoodii kooxda Al-qacida markii ay ka dileen Binladen, wuxuuna tilmaamay inay wiiqmi doonto awooda Dacish hadii ay ku guulaystaan Dilka Hogaamiyaha Kooxdaas Abu Omar al-Baghdadi.

Kooxaha Al-qacida iyo Dacish ayaa ka midaysan mada’a Guud, waxaase jira khilaaf hoose oo u dhexeeya walow qaar kamid Hogamiyayaashii Al-qacida u xuubsiibteen Dacish.

Daawo markii Obama shaaciyey Dilka Binladen

Puntland Post