Munaasabad looga dhawaaqayey wejiga labaad ee Dhammaystirka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo maanta lagu qabtay Boosaaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso waxa uu kaga qayb galay munaasabad looga dhawaaqayey daah-furka dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso.

Munaasabdda daahfurka waxaa kasoo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dawladda Puntland, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland, Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya, Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan IGAD, hay’ado ka socdey qaramada midoobey, Isimo, culumaa’udiin iyo dadweyne aad u tiro badan.

Munaasabadda ayaa ahayd mid looga dhawaaqayey daah-furka wejigii labaad ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso oo isugu jira 4-weji oo kala ah  1km oo lagu dari doono waddada ay diyaaraduhu ku ordaan (Runway), Terminal weyn oo lamid ah kuwa caalamiga ah, baarkinadii diyaaraduhu ay istaagi lahaayeen (Parking) oo la sii ballaarin doono iyo nalayntii ama iftiimintii garoonka, si’uu u noqdo mid habeen iyo maalin isku si’ loo adeegsado, isla markaana dhaqaalaha ku baxay.

Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ballan qaaday in mashruucaan oo ka kooban 4-ta weji ee aan kor kusoo xusay ay dawladda Talyaanigu dhaqaalaha ku baxaya hal mar sii wada deyn doonto, isla markaana ay fulinta mashruucan u wakiilan doonto urur goboleed IGAD.

Sidoo kale Danjiruhu waxa uu ammaanay sida hufnaanta leh ee ay dawladda Puntland u fulisey wejigii koobaad ee Madaarka oo sidii loogu talo galay loo hirgeliyey isla markaana waxaa  uu sheegay in dawladda Puntland ay tusaale u tahay Soomaalida inteeda kale iyo guud ahaan geeska Afrika.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland ay aad usoo dhoweynayso uguna faraxsantahay taageerada lixaadka leh ee ay dawladda Talyaanigu siinayso Puntland, isagoona intaa sii raaciyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba aanay iloobi doonin garab istaagga ay ka heleen dawladda Talyaaniga xilli ay aad ugu baahan yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in garoonka caalamiga ah ee Boosaaso uu noqon doono garoomada ugu caalamisan qaaradda Afrika isla markaana uu wax badan ka beddeli doono dhaqaalaha Puntland iyo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xusay in aan mashaariicdani ka hirgaleen Puntland haddii aanu kajirin  amni buuxa, isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan amnigooda iyo xasiloonidooda,  ayna  u midoobaan  sidii ay isaga qaban lahaayeen cid walba oo khal-khal gelin karta nabad gelyadooda.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_7334 IMG_7338 IMG_7341 IMG_7348 IMG_7351 IMG_7352 IMG_7354 IMG_7355 IMG_7358 IMG_7359 IMG_7362 IMG_7364 IMG_7366 IMG_7369 IMG_7371 IMG_7377 IMG_7379 IMG_7380 IMG_7381 IMG_7382 IMG_7386 IMG_7392 IMG_7394 IMG_7396 IMG_7401 IMG_7402 IMG_7403 IMG_7405 IMG_7409 IMG_7411 IMG_7413 IMG_7414 IMG_7416 IMG_7419 IMG_7421 IMG_7425 IMG_7437 IMG_7442 IMG_7443 IMG_7444 IMG_7445 IMG_7446 IMG_7447 IMG_7452 IMG_7455 IMG_7459 IMG_7465 IMG_7466 IMG_7472 IMG_7498 IMG_7506 IMG_7507 IMG_7509 IMG_7512 IMG_7515 IMG_7518 IMG_7520 IMG_7527 IMG_7532 IMG_7540 IMG_7545 IMG_7546 IMG_7549 IMG_7551