Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Qalabka lagu dhisi doono waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, xariggana ka jaray mashaariic dhowr ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 waxa uu kormeeray qalabka lagu dhisi doono waddada Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo dhowaan ay soo iibsatey dawladda Puntland lagana soo dejiyey Dekedda magalaada Bosaaso.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli iyo wufuuddii kale ee ka socotey urur goboleedka IGAD iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.

Xubno katirsan guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo Injineerada waddada  ayaa Madaxweynaha iyo Safiirka uga warbixiyey qalabkaan ay soo gadeen nooca uu yahay iyo shaqooyinka lagu qaban doono iyo sidoo kale qalabka loo baahan yahay ee aan weli lasoo gadin.

Dawladda Puntland ayaa ka codsatay dawladda Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD in ay ka caawiyaan mashaariic dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha waddada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo lagu bilaabi doono dhismeheeda qaab isku tashi ah.

Dhinaca kale  Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wufuudaasi caalamiga ah ayaa kormeeray Dekedda Boosaaso oo xilligaasi ay ka socotey dib u dayac tirid ay dawladdu ku samaynayso dekedda oo meelo kamid ah uu soo gaadhey bur-bur maadaama dekeddu ay dhisan tahay ku dhowaad labaatan sano.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa xadhigga ka jaray labo waddo cusub oo laami ah oo mid kamid ahi ay isku xidhi doonto Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo magaalada inteeda kale, halka waddada kalena ay isku xidhi doonto Madaxtooyada Boosaaso iyo Jidka Soddonka.

Dawladda Puntland ayaa xoogga saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaaleheeda iyo soo celint bilicda magaalooyinka iyadoo kaashanaysa shacabkeeda horumarka jecel, waxayna ku yimaadeen mashaariicdaasi isku tashigii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii uu la wareegey hoggaanka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_7246 IMG_7248 IMG_7250 IMG_7253 IMG_7256 IMG_7260 IMG_7262 IMG_7264 IMG_7265 IMG_7266 IMG_7267 IMG_7268 IMG_7269 IMG_7271 IMG_7272 IMG_7275 IMG_7277 IMG_7281 IMG_7283 IMG_7285 IMG_7289 IMG_7290 IMG_7292 IMG_7294 IMG_7295 IMG_7297 IMG_7298 IMG_7301 IMG_7305 IMG_7307 IMG_7311 IMG_7313 IMG_7315 IMG_7316 IMG_7318 IMG_7321 IMG_7326 IMG_7557 IMG_7559 IMG_7560 IMG_7565 IMG_7567 IMG_7570 IMG_7572 IMG_7576