Gaas oo sheegay Puntland inaysan waxba noqon karin ilaa xaalada dalka hagaageyso

Bosaso(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta khudbad ka jeediyay xaflada lagu daahfurayo dhismaha wajiga labaad garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa sheegay Puntland oo gaarkeeda horumar u gaarta inuusan wax macno ah samayn karin balse inta dalka ay dhibaatooyin sida Al-Shabab iyo Burcad badeednimo ka jirto ay weli taagan tahay xaalada murugsan ee waddanka.

Dr.Gaas ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadlay arrimo badan oo ay salka ku hayso horumarka Puntland iyo ammaanka.

PUNTLAND POST