Farmaajo oo ku eedeyey Al-shabaab inay caqabad ku tahay Dawladnimada Soomaaliya

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Raisul Wasaarihii Hore ee Dawladii KMG ahayd Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ku eedeyey Xarakadda Al-shabaab inay caqabad ku yihiin Dawladnimada Soomaaliya, ayna si joogta ah u beegsanayaan indheer garadka Soomaaliyeed, taasina ay lumin karto rajadii umadda Soomaaliyeed ka qabeen Dawladnimo mar kale soo iftiinta.

Farmaajo ayaa sheegay inay Al-shabaab 10 -kii sano ee ugu danbeeyey hortaagnaayeen Dawladnimada Soomaaliya, ayna u taagan yihiin beegsiga Dadka wax galka u ah umada Soomaaliyeed ee ay colaaduhu la degeen.

Raisul Wasaarihii Hore ayaa ugu baaqay Dawlada Soomaaliya inay dhiiri geliso maalgashiga Dalka si looga baxo shaqo la’aanta haysata Dhalinyarada maalin walba badaha ku dhimanaya, wuxuuse sheegay inay adag in qurba joogta Soomaaliyeed iyo Dadka wax galka ah inay Wadanka yimaadaan inta Al-shabaab falalka dilka iyo qaraxyada ah kawado.

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo horay usoo noqday Raisul Wasaare, kana mid ahaa Murashixiintii u cararay doorashadii 2012, waxaa loo badinayaa inuu mar kale isku soo taagi doono doorashada 2016 ka dhici doonta Dalka, walow uusan weli si rasmi ah u shaacin.

Puntland Post