Dowladda Puntland oo shaacisay dhismaha wajiga labaad Airport-ka Bosaso

Bosaso(Puntland Post) Waxaa maanta oo Isniin ah la dhagax dhigay wajiga labaad dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, ka dib markii isla garoonka lagu qabtay munaasibad ballaaran oo arrinaasi lagu shaacinayo.

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, xoghayaha urur gobaleedka IGAD,wakiilka IGAD ee Somalia, masuuliyiin ka socda DFS,QM,Isimo,cuqaal,ganacsato iyo masuuliyiin kale ayaa kasoo qayb galay xafladan oo lagu shaacinayo dhismaha wajiga labaad ee garoonka kaasoo dhaqaalaha ku baxayaa ku deeqdey dowladda Talyaaniga.

Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada Puntland Xassan Cadde ayaa sheegay dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee garoonka oo lasoo marsiiyay IGAD inay ku deeqday Talyaaniga, wuxuuna faah faahin ka bixiyay mashruucan iyo sida loo qorsheeyay kaasoo ay xitaa ku jiraan in Airporka uu habeenkii shaqeeyo. wuxuu sheegay in ay tahay tilaabo horay loo qaaday.

Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada DFS,Cali Axmed Jaamac (Jeengali) ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii munaasida ka hadlay wuxuu sheegay isagoo salaan iyo boggaadin ka wada madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaraaha inuu ku faraxsan yahay horumarka Puntland gaartay, waxa kale uu sheegay inay qayb libaaxle ka qaadanayso dhaqaalaha dalka dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso, maadama wajigiisa labaad dhaqaale loo helay.

Xoghayaha urur gobaleedka IGAD Maxmuum Macalin iyo wakiilkiisa u qaabilsan Somalia mudane Maxamed Cabdi Afey oo hadlay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo horumarka Soomaaliya gaartay gaar ahaan Puntland, waxa kale uu sheegay inay mar walba dalka la garab taagan yihiin sidii looga caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo Nabad-galyada.

Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb.Fabrizio Marcelli ayaa tilmaamay inay dowladda Talyaanigu garab taagan tahay horumarka Soomaaliya, ayna barnaamijyo muuqda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ka hirgaliyeen, waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu isagoo matalaya dowladiisa goobjoog ka noqda shaacinta dhismaha wajiga labaad Airport-ka Bosaso, wuxuuna ugu danbeyntii Puntland u rajeeyay guul iyo nabadgalyo.

Ugu danbeyntii madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay ku faraxsan in maanta loo joogo Bosaso shaacinta dhismaha wajiga labaad ee madaarka waxa kale uu aad ugu dheeraaday ahmiyada ay lee dahay ka shaqaynta amniga iyo horumarka dalka, wuxuu tusaale usoo qaatay in horumar ay Puntland oo kaliya gaarto aysan wax saameyn ah lahaan karin haddii Soomaaliya inteeda kale mushkiladi ka taagan tahay.

Wajiga labaad dhismaha madaarka Bosaso ayaa isagu jira dhabada diyaaraduhu ku ordaan oo 1.KM lagu darayo, guriga dadwaynaha, iyo qurxinta intiisa kale waxaana lagu wadaa inuu noqdo garoon har iyo habeen shaqeeya, dhaqaalaha ku baxayana ayaa la sheegay inuu kor u dhaafayo 20-Malyan.
IMG_8295

IMG_8296

IMG_8297

IMG_8298

IMG_8299

IMG_8300

IMG_8301

IMG_8302

IMG_8303

IMG_8304

IMG_8305

IMG_8306

IMG_8307

IMG_8308

IMG_8309

IMG_8310

IMG_8311

IMG_8312

IMG_8313

IMG_8314

IMG_8315

IMG_8316

IMG_8319

IMG_8320

IMG_8321

IMG_8322

IMG_8324

IMG_8325

IMG_8328

IMG_8330

IMG_8331

IMG_8338

IMG_8341

IMG_8342

IMG_8346

IMG_8347

IMG_8351

IMG_8354

IMG_8360

IMG_8363

IMG_8369

IMG_8374

IMG_8375

IMG_8377

IMG_8379

IMG_8381

IMG_8383

IMG_8385

IMG_8386

IMG_8389

IMG_8391

IMG_8395

IMG_8398

IMG_8399

IMG_8400

IMG_8402
PUNTLAND POST