Munaasabad lagu soo dhoweynayey Wufuudii caalamiga ahayd ee Puntland soo gaadhey oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Boosaaso

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 1-May-2016 munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Magaaalda Boosaaso wufuudii caalamiga ahayd ee ka kala socotey dawladda Talyaaniga, dawladda Federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo hay’adaha mashaariicaha ka wada Puntland oo maanta gelinkii hore soo gaadhey magaalada Boosaaso ee xarunta xanacsiga Puntland.

Waftiga ayaa waxa kamid ahaa danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrizio Mercelli, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin, Wasiirka Duulista hawada dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangeli, wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey, hay’adaha Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ee mashaariicda ka fuliya Puntland iyo hay’adda Talyaaniga u qaabilsan horumarinta iyo mashaariicaha.

Sidoo kale munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameed, isimo, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hobollada Kaah Star oo munaasabadda kasoo jeediyey suugaan kala duwan oo ay ku cabbirayeen horumarka iyo dawlad wanaagga ka jira Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay munaasabaddaasi mid lagu soo dhoweynayo isla markaana lagu muujinayo maamuuska ay dawladda Puntland iyo shacabkeedu u hayaan dawladda Talyaaniga oo doorweyn ka qaadatay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo urur goboleedka IGAD oo wakiil uga ah dawladda Talyaaniga dhaqaalaha tirada badan ee ku baxaya dhammaystirka wejiga labaad ee Madaarka Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay dawladdiisu xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, si uu u kobco  dhaqaalaha waddanku, isla markaana ay u soo bataan fursadaha shaqo ee ay raadinayaan kumannaanka arday ee sannad walba kasoo qalin jebiya Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland meelkasta oo uu joogoba in ay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay isku tashadaan una guntadaan sidii ay u suubin lahaayeen wax soo saar ka-badan kan ay hadda sameeyaan, si dhaqaalaha dalku uu u kobco.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Halkaan ka dhegeyso codka Madaxweynaha

IMG_6990 IMG_6994 IMG_7000 IMG_7001 IMG_7004 IMG_7007 IMG_7009 IMG_7011 IMG_7012 IMG_7017 IMG_7021 IMG_7024 IMG_7036 IMG_7037 IMG_7041 IMG_7043 IMG_7048 IMG_7050 IMG_7051 IMG_7061 IMG_7084 IMG_7087 IMG_7089 IMG_7096 IMG_7099 IMG_7100 IMG_7105 IMG_7128 IMG_7129 IMG_7139 IMG_7142 IMG_7145 IMG_7158 IMG_7169 IMG_7184