Muumin Jimcaale: Anniga oo da’dan ku jirra waxa igu qasbay in aan hubka qaato waa dhibaato aan arkay

rer
Muumin Cilmi Jimcaale waa hor-joogaha dagaal-yahano iskood isu abaabulay oo xoogaga Al-shabaab kala Wareegay Deegaanno dhowr ah oo Hoos-taga Degmooyinka Maxaas iyo  Moqorkori ee gobolka Hiiraan.

Muumin Jimcaale ayaa sheegay in ay dhibaato xoog leh kala kulmeen, Al-shabaab oo dad badan ka dilay, dhinaca kalana bilaabay in qaataan xoolihii ay dhaqanayeen, taasoo keentay ayuu yiri in aan hubka qaadano.

“Dad badan ayeey Al-shabaab naga dileen, xoolaha intii abaarta ka badbaaday ayeey bilaabeen in ay naga qaataan, dhibaato joogta ayeey nagu hayeen, waxaan goosanay intaa kaddib in aan hubka qaadanno, taasoo  keentay in aan ka saarno deegaanno dhowr ah iyadoo cid kale oo gacan nagu siisay aysan jirin,’’ ayuu yiri  Muumin Cilmi Jimcaale.

macawislay

Xoogagan is abaabulay oo la baxay [Macwisley] ayaan helin taageeradii ay u baahnaayeen, hub iyo saanad military toona, waxaana gadiidka kaliya oo ay isticmaalaan marka uu Ruux ka dhaawacmo ku sheegeen in uu yahay  Awr ama Rati  taasoo mar marka qaar sababta in qofku dhinto ka hor inta aan la gaarsiin goob caafimaad.

Mid ka mid ah ragan waa 65 sano jir waxaa uu sheegay in Al-shabaab dileen wiil uu dhalay oo ahaa macalin dugsi Qur’aan, isaga oo intaa ku darray in wixii waqtigaa ka danbeeyay uu goostay in uu la dagaallamo Al-shabaab.

“Anniga oo da’dan ku jirra waxa igu qasbay in aan hubka qaato waa dhibaato aan arkay’’ Al-shabaab waxaa ay gowraceen wiil aan dhalay oo macalin dugsi Qur’aan ahaa waxaa uu wax barayay 18 caruur ah, wixii xiligaa ka danbeeyay ayaan go’aansaday in aan la dagaalamo Al-shabaab,’’ ayuu yiri odaygan oo waqtigaa ku hubeysnaa qoriga AK47–ka.

Deegaannada ay la wareegeen xoogaggan is abaabulay ayaa hadda ah kuwo xor ah oo ay ku dhaq-dhaqaaqi karaan dadka reer miyiga oo markii hore dhibaato ku qabay awaamiir iyo dalabaad uga imanayay Al-shabaab, gaar ahaan xoolaha oo la sheegay in dhowrkii biloodba mar laga qaadi jiray wax ay ugu yeereen Zakawaad.

Ugu danbeyntii, xoogaggan is abaabulay ayaa ka dalbanaya dowladdaFederaalka  Soomaaliya, beesha caalamka iyo Jaaliyadaha dibada in lagu gacansiiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, madaama aysan helin taageeradii military oo ay u baahnaayeen.

HOOS KA DAAWO

PUNTLAND POST