Madaxwaynaha Puntland oo soo gaaray Addis ababa berrina ku soo wajahan Boosaaso

Cabdiweli Cali Gaas, madaxweynaha Puntland
Cabdiweli Cali Gaas, madaxweynaha Puntland

Addis Ababa (Puntland Post) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” oo maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogay dalka Sucuudiga ayaa saacidihii la soo dhaafay soo gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo lagu wado in ay isku arkaan madaxda Itoobiya.

Gaas ayey wararku sheegayaan in berri oo Sabti ah uu Boosaaso tegi doono, iyada oo lagu wado in uu halkaas kulamo kula yeesho waxgaradka iyo maamulka gobolka Bari.

Dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa qayb ka ah socdaalka madaxweynuhu Boosaaso ku tegi doono, iyada oo dhaqaalaha ku baxaya wejiga labaad Puntland ugu deeqday dowladda Talyaaniga oo soo marsiinaysa urur goboleedka IGAD.

Madaxwayne Gaas ayaa inta uu joogay Sucuudiga ku guulaystay inuu Puntland u keeno heshiis cusub oo wax badan ka beddeli doona kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin deked Garacad laga dhisayo, dhismaha waddo isku xirta Garacad iyo Galdogob iyo cusboonaysiinta Gegida Diyaarahada ee Cabdullaahi Yuusuf ee magaalda Gaalkacyo.