Maxay la kulmaan dadka fiisaha usoo doonta Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe?

Garowe(Puntland Post) Soomaali badan oo ka kala yimi Koonfurta,Waqooyiga (Somaliland) iyo gobalada kale ee Puntland ayaa magalada Garowe usoo raadsada fiisaha dal ku galka Itoobiya, maadama ay xarunt ku lee dahay caasimadda.

Dadkaasi fiisaha lagu galo dalka Itoobiya u yimi Garowe ayaa isagu jira Ragg,dumar iyo arday, hase yeeshee qaarkood oo aan kula kulanay meel aan sidaasi oga fogeyn safaarada Itoobiya ee Garowe ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan tirsanayaan kuwaasoo ay ugu horayso inaysan si nadiif ah ku helin dal ku galka Itoobiya, qaarkoodna waxay sheegeen inay caqabada ugu badan ay tahay dhanka laanta socdaalka Puntland.

Hooyooyin ka mid ah kuwa dhibka tirsanaya ayaa sheegay inuu dhaqaalihii uga dhamaaday hotelka iyo cunta, haddana aysan haysan waxay xitaa dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimaadaan, sidoo kale waxay sheegeen inaysan helin Fiisaha oo maalin kasta laga hor mariyo dad siyaabo kala duwan loo qaabilo, qaar ka mid ah ardayda fiisaha doonaya ayaa sheeg in lagu xiray inay diyaarada Itoobiya raacaan haddii ay rabaan inay dhaqso helaan fiisaha taasoo ku adkaatay qaarkood inay haleelaan dhaqaalaha faraha badan ee diyaarada lagu raaco.

Cabashada dadkaan Soomaaliyeed oo maalintii oo dhan goob aan munaasibad ahayn u fadhiya siday fiisaha Itoobiya u heli lahaayeen ayaan wali wax muuqda laga qaban, waxaana socda dhaq- dhaqaaq xoogan oo arrinta cabashada wax looga qabanayo.

Dhinaca kale waxaan xiriir la samaynay Laanta socdaalka xarunteeda Garowe si ay jawaab uga bixiso cabashada dadka iyaga soo maray hase yeeshee hadda ma suurta galin inaan haleelno balse waxaan la xiriirnay masuul ka tirsan oo noo sheegay inuu arrintaasi ka jawaabayo sidoo kale waxaan isku dayi doonnaa in safarada Itoobiya xiriir la samayno.

PUNTLAND POST