Madaxwaynaha Puntland oo ku wajahan magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari

Garowe(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu wadaa maalinta beri ah (JImce) inuu ka dego garonka diyaaradaha magalada Bosaso.

Socdaalka Gees ee Bosaso ayaa salka ku haya ka qayb galka xaflada lagu shaacinayo dhismaha wajiga labaad Airport-ka Bosaso, iyadoo sidoo kale lagu wado inay kasoo qayb gallaan wafuud heer caalami ah iyo kuwo ka socda dowladda dhexe.

Mashruuca lagu dhisayo wajiga labaad ee garoonka waxaa gacanta ku haya urur goboleedka IGAD waxaana dhaqaalaha ku deeqay dowladda Talyaaniga.

Dhinaca kale madaxwayne Gaas marka uu tago magalada BOsaso waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxda iyo waxgaradka Gobalka Bari.

PUNTLAND POST