Bosaso:Beelo Oodwadaag ah oo La kala Wareegay Diyadda Dad 25 sanno ka hor la Laayay

Guddoomiye K/xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro ayaa ka qayb galay xaflad ay mag jifiyeed ay ku kala guddoomeen  Lao beelood oo oodwadaag ah  oo ka heshiiyay diyada dad lagu laayay colaad 25 sanno ka hor ka dhacday gobolka bari.

Xaflada oo lagu qabtay hotel  Tropical ee magaaladda bosaso, waxaana ka qayb galay C/casiis Boqor Muuse, Cumar Abshir Cumar, Nabadoon Xirso Kadoon Diiriye, Jaamac Ciise Faarax, waxaa kaloo ka qaybgalay Culumo’udiin, Cuqaal, Ganacsato iyo dhalinyaro ayaa beesha Cismaan Maxamuud waxay ku wareejiyeen Beelaha Amaanle iyo Dir   Lixdan Kun oo dolar oo ah qaybtii hore ee magta jifiyeedka oo ah Sideed qof.

Cabdicasiis Boqor Muuse oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda ayaa  ku ammaanay labada beelood  Dadaalka ay muujiyeen inay ka heshiiyeen dhiigii dadkii ku dhintay colaada 25 sanno ka h, wuxuuna ku ammaanay beelaha dhibtu soo gaartay oo uu sheegay inay sabir iyo dulqaad muujiyeen.

“ arrinkaan aanu maanta u fadhino waa mag jifiyeed ay bixinayaan beesha cismaan maxamuud oo ay qaadanayaan beelaha  Amaanle iyo dir, Tolnimadii iyo saburkii beelaha dhibtu gaartay waanu ka mahadcelinaynaa” ayuu yiri c/casiis Boqor.

Nabadoon Cumar Abshi Cumar oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay howshu bilow tahay, waxaana uu sheegay inuu rajo weyn uu ka qabo in la dhamaystiro qaybaha dhiman ee Magta,waxaana uu ka sheekeeyay sidii ay ku bilaabantahay dhacdadan oo ku tilmaamay inay ahayd mid xanuun badan,

“ arrintan waa arrin dhacday xiligii burburka somaliya 1991-dii. Dhacdadani waxay ka kacday ma ahayn wax khuseeyay beelaha hadda magta kala qaadanaya, Beelo kale oo maqan oo sanadka qirtay ayaa nin dilay, oo inkiray ninkii ay dileen, arrintiina qolo kale ayaa loo tuhmay, taasi ayaana keentay in dad badani ay ku dhintaan  oo ilaa iyo maanta soo gaartay” ayuu yiri Abshir cumar, wuxuuna sii raaciyay

Jaamac ciise Faarax iyo Xirso Kadoon Diiriye oo ku hadlay beelaha la Wareegayay magta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, islamarkaana ay bogaadinayaan   in la bixiyo  qaybtii hore oo ay muddo dheer sugayeen in  laga heshiiyo dhacdadii 25 sanno ka hor dhacday. Waxayna tilmaameen inay maqsuud ka yihiin qabkii howsha loo maareeyay, ayna rajaynayeen in inta dhiman  howshana la dhamaystiro

Gees kale, boqor Burhaan Boqor Muuse  oo khadka telefoonka kaga qaybgalay Xafladda ayaa ammaan u soo jeediyay Nabadoonada, Cuqaashada iyo waxgaradka Labada beelood ee gacanta ka gaystay in laga heshiiyo magta dadkii 25 sanno ka hor ku dhintay colaada.

Guddoomiye k/xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullahi Ciro oo gabagabadii Hadal ka jeediyay xafladaas nabadeed waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida labada beelood ay u dhamaysteen wixii dhex yaalay, islamarkaana ay la kala wareegeen qaybtii hore ee magta. Waxaana uu ugu baaqay in beelaha kale ee reer puntland in cidii wax dhexyaaliin ay ku dhamaystaan si walaalnimo iyo tolnimo ah.

Heshiiskan ay labada beelood magta ku kala guddoomeen oo soo jiitamayay muddo 25 sanno ah, ayaa sanadkii hore  ayaa Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan  Boqor Muuse   guddi xeerbeegti ah u soo saaray si ay  dhamaystiraan beelaha saddexda ee wax kala tirsanayay, Taasi oo ugu dambayntii Toddobaadkan la soo gabagabeeyay.vlcsnap-2016-04-28-10h02m03s42 vlcsnap-2016-04-28-10h11m22s25 vlcsnap-2016-04-28-10h12m00s181
vlcsnap-2016-04-28-10h12m27s178 vlcsnap-2016-04-28-10h12m45s92 vlcsnap-2016-04-28-10h12m53s208
vlcsnap-2016-04-28-10h13m26s253 vlcsnap-2016-04-28-10h14m03s97 vlcsnap-2016-04-28-10h14m33s177 vlcsnap-2016-04-28-10h15m29s215 vlcsnap-2016-04-28-10h15m40s84 vlcsnap-2016-04-28-10h15m59s7 vlcsnap-2016-04-28-10h20m44s12