Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo ka war bixiyay roobabkii ugu danbeeyay ee Puntland ka da’ay

DSCN4462-640x480

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & horumarinta Reer Miyiga ee dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hadlay roobabkii oo si wanaagsan uga curtay gobalada Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hadda roobabku ka da’een inta badan gobalada Puntland, wuxuuse sheegay in ay jiran deegaanada qaar oo aysan wali roobabku si wanaagsan uga curan.

Garaash wuxuu sheegay in gobalada Puntland qaarkood ay wali ka jirto abaar, sidaas oo kalena meelaha ay roobabku ka da’een looga baahan yahay gurmad raashin ah, wuxuuna cadeeyey in aysan wali dhamaan baahida ay qabaan dadka Reer Guuraaga ah ee ay Abaartii dheereyd saameysay.

Roobabkii ka da’ay qaar ka mid ah gobaladda Puntland ayaa xooggiisa qabtay Gobalka Nugaal iyo Karkaar.


PUNTLAND POST