Soomaaliya oo sannadkan lagu marti qaaday kulanka todobaadka bulshada Caalamka

Bogota(Puntland Post)Asbuucaan waxaa magala madaxda Dalka Colombia ee Bogota ka furmay shirka Todobaadka Bulshada Rayidka ah ee Caalamka, shirka socday muddo saddex maalmood ah waxaa ka soo qaybgalay wakiilo ka kala socday Hay’ado caalmiya, Xubno ka socday bulshada rayidka ah ee boqol dal oo caalamka ah, aqoonyahanno iyo shaqsiyaad dunida magac weyn ku leh.

Muhiimadda uu shirku lahaa

Saddexdii maalmood ee uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray oo looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hormarrinta waxbarashada, u qareemidda xaquuqda bani’admiga, is-dhexgalka dhallinyarada caalamka, ka qayb qadashada ka shaqaynta Nabadgalyada caalamka, Joojinta Tahriibka iyo ka ganacsiga Bani’admiga, iyo ka hortagidda Tacadiyada loo gaysto haweenka caalamka gaar ahaan haweenka ku nool qaradda Africa.

Sidoo kale waxaa intuu shirku socday la isla gartay in la sameeyo Hindise dhaqaale loogu arruurinayo wadamada Colaaduhu regaadiyeen si looga taageero kobcinta waxbarashada ubadka aan helin waxbarashada ee ku nool wadamadaas oo kala ah Somalia, Koonfurta Sudan, Ciraaq, Syria iyo Afghanistaan.

Shirkaan oo ahaa shirkii Saddexaad ee ay isugu yimaadaan bulsho rayid ah oo ka kala socota Qaradaha Adduunka ayaa ka duwanaa kana muhiimsanaa labadii kullan ee hore lagu kala qabtay Dalalka Maraykanka iyo South Africa.
Yaa Somalia Shirkan Calamiga ah uga Qaybgalay?

Somalia oo kamid ahayd wadamadii sannadkaan laga casumay shirka waxaa uga qaybgalay Yuusuf Aden Ahmed oo ka socday Hay’adda Kisimi Peace and development oo kamid ah Ururuda maxalliga ah ee ka shaqaysa arrimaha Hormarka iyo Nabadgalayada Somalia.

Yuusuf Aden oo shirka ka jeediyay Khudbad muhiimad gaar ah lahayd ayaa ka hadlay Saamaynta Tahriibku ku yeeshay Somalia iyo Mustaqbalka Dhallinyarada Somaliyeed, Yuusuf waxa uu sheegay Tahriibku in uu yahay Musiibo caalamiya Somaliyana uu samaayn badan ku hayo waxaana hadaladiisii kamid ahaa :” Tahriibku fara ba’an ayuu ku haya Somalia, sannad walba waxaa Somalia ka tahriiba Boqolaal dhallinyaro ah kuwaa oo u badan dhallinyaradii dhalatay Bur-burkii Somalia kadib iyo dhallinyaro aqoonyahanna ah waana musiibo aafaysay qoys walba oo Somaliyeed una baahan in laga hortago khatartaas wali sii socota” , Sioo kale Aqoonayah Yusuf ayaa ka hadlay Mustaqbalka Dhallinyarada Somalia wuxuuna sheegay in hadda xaalka Somalia oo soo hagaagaya awgiis ay dhallinyaradu leeyihiin mustaqbal wanagsan ayna rajeynayaan in dhallinyaradu ay ka qayb-qataan dib u dhiska dalkooda iyo inay kamid noqdaan hoggaamiyayaasha dalka mustaqbalka dhaw.

Waa Kuma Yuusuf Aden Ahmed ?

Yuusuf Aden ahmed waa 27 jir ku dhashay dagmada Ayl ee gobolka Nugaal, wuxuu waxbarashadiisii ilaa heer Dugsi Sare ku soo qaatay Somalia isagoo Waxbarashadiisa Jamacadeed ku soo diyaariyay dalka dibaddiisa. Waa aqoonyahan Haysta Darajada labaad ee jamacadda ” Master Degree” oo uu ku diyaariyay Culuumta xallinta Khilaafaadka.
Yuusuf waxa uu sanadihii ugu danbeeyey ka shaqaynayay arrimaha hormarrinta bulshada wuxuuna xubbin fir-fircoon ka noqday ururada u dooda xuquuda Bulshada Rayidka ah ee Somalia. Yuusuf mudadii uu ka shaqaynayay arrimaha Bulshada waxa uu Booqashooyin uu ugu kuurgalayo xaaladaha waxbarashada da’yarta Somaliyeed ku tagay deegano kamida Somalia, waa aqoonyahan mar walba dhallinyarada ku jirta waxbarashada ku dhiirigaliya inay yihiin mustaqbalkii dalka.

Gunaanad

Dhallinyarada Somaliyeed oo ay tirada ugu badan ee Bulshada ah haddii awal loo adeegsan jiray qaadashada qoriga iyo ka qaybgalka colaadaha qabaliga ah ee Somalia hadda xaalku waa isbadalay waxaa hadda shaqaynaya Qallinka iyo maskaxda, waxayna Dhallinyarada Soomaliyeed ee waxbaray ee kala jooga daafaha calamka diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda, kor u qaadidda magaca Soomaliyeed iyo soo bandhiggida kartidooda Aqooneed.

Dhallinyarada Somaliyeed waxay diyaar u yihiin inay magaca Somaliyeed gaarsiiyaan meeshii hadda ka hor ay gaarsiiyeen Qayrkood ” SYL” ayna ka dhabeeyaan ooraahda ah ” Qolo Qolo la sheegtiyo Abtiris Qoima lagu waa, Qayrkaa ku dhaaf weeye iyo Qaaxa kuu wad ah ” .
1

3

4

5

6
2
W/Q Faaid Abdulkadir Aden
Aqoonyahan barta Culuumta Siyaasadda.
Addis-Ababa,Ethiopia