Kooxaha Man. City Iyo Real Madrid Oo Barbaro Gool La’aan Ah Ku Galay Etihad Stadium

Kooxda Manchester City ayaa barbaro Real Madrid kula gashay garoonka Etihad, lugta hore ee afar dhammaadka Champions League.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa ku soo idlaaday barbaro 0-0, iyadoo aan la isku helin wax shuut toosan ama bartilmaameed toos ah labada dhinac.

Waa kulankii saddexaad oo xiriir ah oo garoonka kooxda Man City aan wax gool ah lagu dhalin qeybta hore.

Waa kulankii afaraad ee Champions League aan wax gool ah la iska dhalin ama xitaa aan shuuut toosan la isku helin qeybta hore ee ciyaarta xilli ciyaareedkan oo dhan.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad Jese ayaa bedel ku soo galay, waxaana lagu bedelay Benzima oo la filayay markii hore inuu dhaawac ku maqnaan doono, iyadoo Silva oo ka tirsan Man City uu dhaawac ku baxay, kaddib markii ay jug soo gaartay isagoo jilaafeeynayey Bale.

Wiilka bedelka ku yimid ayaana helay fursaddii ugu halista badnayn, isagoo madaxa la helay kubad uu soo qaaday Carvajal, birta ayeyna kaga dhacday, waana midda keentay inuu surweelku ka jeexmo tababare Zidane markuu goolka sii laacyey.

Waxaa xusid mudan in Zidane uu sidaan oo kale surweelku ka jeexmay kulankii ay la ciyaareen Wolfsburg mar uu Benzema gool cunay.

Real Madrid ayaa heshay fursad kale oo halis ah kaddib markii Ramos oo madax galay, dabedeed uu sii raaciyey Bebe, waxaase badbaadiyey goolhaye Hart.

Dhammaadkii ciyaarta seeriga oo afka lagu hayo waxaa laad xor ah laga bixiyey xiddiga Man City ee De Bruyne.

Si kastoo  ciyaarta ay ka maqnaayeen Ronaldo, Yaya Toure, Silva iyo Benzema oo baxay ayaa ku soo idlaatay barbaro goolal la’aan 0-0.
l1

l2

l3

l4

l5

l6

l7

 
PUNTLAND POST