Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmasuqa Puntland oo tababar u qabatay Ardayda Jaamacadda Bariga afrika Faraceeda Garowe

Hay’adda astaynta maamul Wanagga iyo la dagaalanka musuqmasuqa dowladda Puntland ayaa tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan Maamul Wanaagga iyo sidii Musuqmaasuqa loola dagaalami lahaa u qabatay qaybo ka mid ah ardayda jaaamacadda Bariga afrika faraceeda Garowe  gaar ahaan ardayga wax ka barata  kulliyadaha culuunta siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Maamulka  jaamacadda Bariga Afrika faraca Garowe iyo Xafiiska Astaynta Maamul Wanaagga dowladda Puntland , Tababarkaas ayaa ujeedadiisu ay ahayd in ardayda fahan wanaagsan laga siiyo ahmiyadda  Maamul  wanaagga iyo  ka hortago wax walba oo dib u dhac u keeni karaya ummadda oo uu ka mid yahay Musuqmaasuqu.

Agaasimaha guud ee hay’adda astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo madashaas ka hadlay qaybna ku lahaa tababarka ayaa si gaar ah u amaanay jaamacadda Bariga afrika , qirayna in ay jaamacaddu horumar wanaaagsan ku tallabsatay, Ka dibna Agaasimuhu wuxuu qaatay doorkii uu tababar bixinta uu ku lahaa,   ardayda jaamacadda la wadaagay in ay la joogo waqtigii Maamul wanaaggu ku baahi lahaa Puntland oo dhan,  musuqmaasuqana dagaal cad oo saf ballaaran ah lala gali lahaa,  dowlad iyo shacabba.

sidoo kale la joogo waqtigii dad dhiska iyo dal dhiska loogana baahan yahay in ahmiyad gar ah la siiyo ardayda jaamacadaha waayo waa hoggaamiyayaashii mustaqbalka dalka.

“Way adagtahay in la gaaro horumar dhab ah haddii aan dadka la dhisin,  Maamul wanaaguna si rasmi ah uga taaba galin Puntland oo dhan, dowlad iyo shacabna aan dagaal cad lala galin wax walba oo dib u dhac u keeni karaya ummadda  sida Musuqmaasuqa, faqriga iyo gaajada”

Taba barkaas oo ahaa mid aad ay xiisaynayeen ardayda Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxaa isna tababarka qayb ku lahaa kana  hadlay  mid a mid ah Masuuliyiinta sare ee Hay’adda  Astaynta  maamul wanaaga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa.  Mr  Cabdisamad Cali Xaashi  faham wanaagsanna adrayda ka siiyeyey  waxa Maamul wanaaggu yahay iyo qaabka loola dagaalami karo musuqmaasuqa, ka dibna talooyin badan iyo dhiirra galinna u soo jeediyey ardayda.

gabagabadii tababarka ayaa ardaydu waxay waydiiyeen Masuuliyiinta Ha’yadda Maamul wanaagga  iyo la dagaalanka musuqmaasuqa sulaalo badan oo la xiriira guud ahaan  maamul wanaajinta, qorshaha dowladda ee ku wajahan maamul wanagga iyo sidii musuqmaasuqa looga ciribtiri lahaa Puntland,  su aalahaas oo aad u xiisa badnaa ayaa taba barku wuxuu ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan oo wax tarmo leh. Hay,adda Astaynta Maamul wanaagga ayaa aalaaba waxaa looga bartay qabashada dood cilmiyeedyo iyo barnaamij ay ugu yeereen dad dhiska  puntland oo ay aalaaba  iska kaashadaa hay’adda iyo TV dowladda Puntlad.

1

2

7

5

4

3

8

9

10

11

12
PUNTLAND POST