Ciidamo diidan jogitaanka Cali Khaliif Galayr ee Buhoodle oo sheegay inay la wareegeen Magaaladaas

Buhoodle(Puntland Post)-Ciidamo ay leeyihiin Dadka degaanka Buhoodle oo saxaafada kula hadlay Magaaladaas ayaa shaaciyey inay si buuxda ula wareegeen Amaanka Buhoodle, waxayna digniin adag u direen Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr inuu Magaalada isaga baxo mudo kooban.

Ciidamadan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa ku eedeeyey Cali Khaliif Galayr inuu degaankaas hurinaayo iska horkeen Dadka reer Buhoodle, uuna damciisu yahay sidii uu Magaalada ugu gacan gelin lahaa Maamulka Somaliland maadama bay dhaheen u horay ugu gacan geliyey degaano kale.

Saraakiisha Ciidamada Buhoodle ayaa tilmaamay inaan  taladda iyo amaanka Buhoodle mar danbe loo daba fariisan doonin Maamulka Khaatumo ee hogaamiyo Mudane Cali Khaliif Galayr.

Ciidamadan ma aysan sheegin Maamul ay si rasmi ah u hoos tagaan, waxaase soo baxaaya warar sheegaya inuu Khilaaf ba’an mudadii ugu dambaysayba ka dhex aloosnaa Hogaanka Khaatumo iyo Dadka degaanka oo isku fahmi waayey sida loo maamulaayo Buhoodle.

Mudane Cali Khaliif Galayr oo ah Hogaanka Khaatumo ayaa tan iyo markii ay Somaliland kala wareegtay Magaalada Taleex iyo tuulooyin ka dambeeyey oo u saldhig ka dhigtay waxa uu ku shaqaynaayey Buhoodle.

Puntland Post