Warbixin: Man. City iyo Real Madrid oo Caawa Fooda isku daraya Afar Dhamaadka Champions league-ga

Manchester-(Puntland Post ) Manchester City ayaa soo dhaweyneysa kooxda Real Madrid Caawa kulanka lugta koowaad ee Champions league wareegisiia afar dhamaadka kaasoo ka dhici doona garoonka Etihad Stadiun ee magaalada Manchester ee dalka ingiriiska mar ay tahay Saacada Geeska Afrika: 9:45 Habeenimo.

Man City ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo niyad fiican heysata kadib markii ay taariikh sameeyeen una soo guddbeen wareega afar dhamaadka tartankaan markii ugu horeysay tariikhda kooxda sidoo kalena guul ka gaaray koox kamid ah kooxihii ugu cadcadaa tartanka ee PSG.

Kulankaan ayaa macalin Manuell Pellegrini uu ciyaarayaa iyadoo uu ka maqan yahay kabtan ku xigeenkeeda Yaya Toure, xidiga garabka ee Samir Nasri kuwaasoo labada dhaawac ku seegi doona kulanka, dhanka kale waxaa taam buuxa u ah kulankaan kabtanka City ee Vicent Kompany kaasoo lix todobaad garoomada uga maqnaa dhaawac kubka ah.

Raheem Sterling ayaa isna taam u ah kulankaan waxayna kooxda City sidoo kale kulankaan il gaar ah u yeelan doontaa xidigaheeda Kun Aguero iyo Kevin De Bryune.

Dhanka Real Madrid, macalin Zidaan ayaa xalay xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay labadaba taan u yihiin kulankaan, sidoo kale waxaa dhaawac kasoo laabtay Daniu Carvajal kaasoo booska daafaca midig ka badali doona Danilo halka Sergio Ramos iyo Luka Modric oo la nasiyay kulankii Rayo ay dib ugu soo laaban doonaan shaxda macalin Zizu.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox

Manchester City(4-2-3-1 ): Hart; Sagna, Otamendi, Mangala, Clichy; Fernando, Fernandinho; Navas, De Bruyne, Silva; Agüero

Real Madrid (4-3-3): Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.