Isku Aadka Wareega Afar Dhamaadka Uefa Champions League-ga Oo La Soo Saaray

Waxaa magaalada Nyon lagu qabtay isku aadka wareega afar dhamaadka Champions League iyadoo kulamo xiiso badan ay ka soo baxeen. Kooxaha Man City iyo Real Madrid ayaa isku soo aaday, halka kooxda Atletico Madrid ay wajihi doonto kooxda Bayern Munich.

Man City oo ka soo talaabsatay wareegii 8da kooxda Faransiiska ee PSG ayaa lugta hore gurigeeda Etihad Stadium waxa ay ku soo dhaweyn doontaa kooxda 10ka jeer ku guuleysatay koobkaan ee Real Madrid kuwaasoo iyagana ka soo gudbay wareegii sideeda kooxda Wolfsburg.

Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa kaliya labo kulan ciyaaray Champions League xilli ciyaareedkii 2012-13 wareegiisii group-yada, lugtii hore waxaa 3-2 ku badisay kooxda Real Madrid halka lugtii labaad ay barbaro 1-1 ku kala baxeen.

Kulanka kale ee wareega afar dhamaadka kooxda Atletico Madrid oo soo reebtay kooxdii difaacaneysay koobkaan ee Barcelona ayaa lugta hore waxa ay martigelin doontaa kooxda shanta jeer hanatay koobkaan ee Bayern Munich.

Kooxaha Atletico iyo Bayern Munich ayaa kulankoodii ugu danbeeyay waxa uu ahaa finalkii 1974tii markaasoo ay Bayern Munich 4-0 ku badisay.

Lugta hore ee koobka waxaa la ciyaari doona 26ka iyo 27ka bisha April, halka lugta labaad la ciyaari doono 3da iyo 4ta bisha May.

PUNTLAND POST