DAGAALKA QABOW EE U DHEXEEYA PUNTLAND IYO MUQDISHO! W.Q Abdihakim Diriye

Garowe iyo Muqdisho

Muddo ka badan 25 sano oo Soomaaliya ay ku jirtay jahwareer siyaasadeed ayna isku hayeen kooxo is diidan iyo awoodo kala danbeeyey oo marba meel joogey maalinbana magacyada iyo midabadu isbadalayeen hase yeeshee labada awoodod ee ugu tunka weynaa uguna kala fogaa kala aragti duwaanaanta hanaanka siyaasadeed ee dalka waxay ahaayeen labada aan u bixiyey Puntland iyo muqdisho,waxaan jeclahay inaan si qayaxan u cabiro una dego uducda loolankooda iyo wuxuu salka ku hayo,waa laga yaabaa in su’aali ka timaado sidee la isu barbar dhigaa Puntland oo maamul ah iyo Muqdisho oo magaalo ah, waxaan ula jeedaa awooda Muqdisho maamusha xillikasta ha joogte ama magac kasta ha lahaatee ( qabqablayaashii, maxkamadihii, dowlada federalka ah iwm) Labadaan awoodood,waxaa ka dhexeeyey dagaal qabow oo daba dheeraadey marmarka qaarna isu badelayey dagaal kulul oo faraha looga gubto, loolaanka siyaasadeed ee labadaas dhinac ka dhexeeya wuxuu ku saleysan yahay xukunka dalka iyo qaabka dowladnimo ee Soomaaliya ku haboon iyadoo qolokasta ay halgan adag ugu jirtey iney kaalinteeda hogaamineed haleesho tan kalena ay safka danbe geliso. Waxaa jira kala shaki iyo is aaminaad la’aan dhextaalla siyaasiyiinta kala matala labadan dhinac taaso gaartey in siyaasadkasta oo Puntland lagasoo hindiso ay Xamar diidmo kala horyimaado hor inta aysanba akhrin iyado dhagahaba ka fureysata waxkasta oo ay Puntland sheegto, sidoo kale siyaasad kasta oo Xamar garwadeen ka tahay waxa shaki ka muujisa Puntland, loolanka labadan qolo u dhexeeya wuxuu uso gudbey shacabka taaso dadweynaha labada dhinac ka dhigtey kuwa difaac ku kala jira kalsooni darrana ku dhex abuurantahay qolo walbana ay aaminsan tahay in tan kale ay khiyaameyso aysanna daacad ka ahayn waxa ay sheegeyso.

:Tusaaleyaal:

1: maxkamadihii Muqdisho kaso faafay kuna sigtey iney qabsadaan dhamaan dalka Soomaaliya, cidda kowaad ee soomaali ah ee hor istaagtey waxay ahayd Puntland maadaama maxkamaduhu ahaayeen mashruuc Muqdisho laga lahaa.

2: Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee u madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf waxay Muqdisho kala kulantay kacdoon hubeysan oo aan loo kala harin, kacdoonkaas wuxuu joogsadey markii madaxweyne reer Muqdisho ah uu meesha yimid, C/llaahi yuusuf oo loo arkayey mashruuc Puntland laga leedahayna uu xukunka ka degey.

3: Xukuumadihi kala danbeeyey ee Muqdisho ka dhismey mucaaradkooda koowaad wuxuu ahaa Puntland oo marwalba dowladdahaas u arkeysey mashruuc Muqdisho laga leeyahay iyaduna ay banaanka ka joogto.

4: Nidaamka federaalismka oo ay hindisihiisa reer Puntland lahaayeen dhanka kale waxaa aad ula dagaalamay reer Muqdisho oo waqti dheer geliyey inuusan hirgelin maadaama u yahay ilmo ay Puntland dhashay.

5: Dhismihii maamulka Jubaland oo Puntland ay maskax, maal iyo muruqba gelisey, docda kale waxaa maskax, maal iyo muruqba gelisey inuu fashilmo dowladda federalka ah gaar ahaan madaxweyne Xassan iyo xulufadiisa.

6: Galmudug oo ah ilma yar oo ay dhashay dowlada federalka ah waxaa diidey oo ilmo aan si saxa u dhalan ku tilmaaamay Puntland oo u aragtey ilmo dhicisnimo ku dhashay oo aan shin dhameysan.

7: Sanadihii 2006 ilaa 2008 joogitaanka ciidamo shisheeye waxaa Muqdisho looga arkayey cadow dalka kusoo duuley ayna waajib tahay in lala dagaalamo, maantana isla ciidamadii shisheeye Xamar waxay ka yihiin sokeeye so gurmadey iyo hiil walaal, Puntland-na waxaa looga arkaa calooshood u shaqeystayaal dalka lugooyo u jooga.

10: Aragtiyada laga kala qabo in wax lugu qeybsado 4.5 ama deegaan iyaduna waa tusaale cad oo ka mid ah meelaha ay ku hardamayaan labadaan awoodood ee dalka ku isku haysta.

Tusaaleyaashaan iyo kuwa kale oo badanba waxay cadeynayaan inta uu le egyahay baaxadda loolanka aan qarsooneyn ee ka dhexeeya Puntland iyo Xamar, ilaa ay gaartey in madaxda Puntland hadey Xamar booqdaan shaki laga muujiyo, madaxda dowladda federalku markey Puntland booqdaannaa mooshin laga keeno, is jiidjiidka labadan dhinac waxay dhakkafaar iyo dhabanna qabsi ku noqotay soomaalida inteeda kale oo ku daaley dagaalka jiirka iyo bisadda ee aan dhamaadka lahayn, inkasto qolokasta sheegato in tan kalenecebtahay ama ay cadow u tahay, xaqiiqaduse ay tahay ineysan meesha oollin neceyb iyo cadaawad toona laakiin uu jiro loolan siyaasadeed aan waxba la isula harin iyo ficiltan ciddiyaha la isaga fiiqey, arrintuna waxay salka ku haysaa inqolowalba ay wadato qaab u gaaar ah oo muujinaya muuqaalka uu dalku yeelanayo iyo qaabka maamulka iyo awoodaha dalka loo qeybsanayo  ama kheyraadkiisa loo wadaagayo hase yeeshee aysan qolana qolada kale ku qancin karin aragtideeda maadaama horey loo kala aamin baxay kalsoonidiina ay ku dhex luntay humaagta shakiga ee qaangaartey, markii si qoto dheer loo akhriyo xifaaltanka labadan kooxood waxaa muuqaneysa iney aad ugu kala aragti duwanyihiin fahamka nidaamka dowladnimo, sida lugu heli karo dowladnimo waarta oo dastuur ku dhisan, xeerka caasimadda iyo xoolihii Xamar ku lumay wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii kacaanka horraantii sagaashamaadkii iwm.

Saameynta hardanka labadaan kooxood:

Loolankani wuxuu raabey saameyn xoog leh taaso ay ugu weyn tahay kala aaminbax iyo kalsooni darro labada dhinac uusan midna kan kale ku qabin kalsooni, waxay kuwada shaqeeyaanna ay tahay kala shaki taaso ku fadhida maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd “Geeljire geela waa wada jira waana kala jirtaa”Taasi waxay keentey in aan af la isku aaminin ee waxkasta oo la isku afgarto la qoro oo lawada sixiixo weliba in markhaati iyo damaanadna loo helo, hase yeeshe maadaama aysan jirin kalsooni la isku qabo xataa qoraalkii waa shaqeyn waayey waana midda keentey heshiiskasta oo dhexmara Puntland iyo Xamar inaan lafulin sababto ah markii warqada lugu qorayeyba daacad lagama ahayn, ee waxay ahayd qowda maqashii waxna ha u qaban.

Kala aaminbaxa ka dhashay hardankan lugu riiqdey oo markiisii hore ku bilowdey xifaaltanka siyaasiyiinta ayaa markii danbe u gudbey bulshada inteeda kale iyo dadweynaha caadiga ah, waxaana taas keenaya khalad lakala aaminsanyahay iyadoo aan la is wareysan.

Tusaaleyaal:

1: Reer Puntland waxay aaminsanyihiin in reer Muqdisho sadbursi iyo boob wadaan ayna rabaan iney halmar wada qaataan caasimadii, madaxweynihii, deeqihii caalamka iyo dhamaan wixii magaca soomaaliweyn lugusoo heley, iyagoo horey loogu haystay dhac hantiyeed iyo boob dhuleed oo aysan weli ka garbixin, aysanna daacad ka ahayn dooneyna nidaam iyo dowladnimo shaqeysa.

2: Reer Muqdisho waxay aaminsanyihiin in reer Puntland ay doonayaan sadbursi ayna rabaan iney woxoodana haystaan dadka kalena woxooda la qeybsadaan ayna Puntland u dhaqanto sidii dowlad gaar ah oo soomaaliya ku dhextaal.

3: Puntland waxay rer Muqdisho u aragtaa dad dowlad la’aanta ku macaashay oo fowdada ku naaxey saas darteedna ayba dowladnimada u arkaan dhib iyo culeys kaaso ka xannibaya xorriyada ay xoolaha xisaab la’aanta ku tabcadeen.

4: Xamar waxay Puntland u aragtaa dad isla qabweyn oo quursi badan isuna arka iney keligood dowlad yaqaan yihiin cidkale aysan dowlad dhisi karin.

Xal lugu xakameyn karo xifaaltankaan gaamurey:

Inkastoo loolankani muddo dheer so jirey uuna qaangaarey ayna adag tahay in la baabi’iyo hadana waxaa hubaal ah in la xakameyn karo lana gaarsiin karo heerka ugu hooseeya, waxaan is leeyahay si arrintan loo qaboojiyo waxaa loo baahan yahay in la sameeyo dhowr arrimood:

1: In labada dhinac ay is aqoonsadaan midwalbana ay dareento awoodda tan kale leedahay ayna ogolaato kaalinteeda si dagaalka qabow meesha loga saaaro.

2: Iney yeeshaan wadahadal toos ah oo si qayaxan loogu lafaguro sababaha dhabta ah ee abuuraya loolankan lugu rafaaday ee mudada dheer soojiitamayey.

3: In miiska lasoo saaro waxyaabaha la taaban karo ee dhinacyadu isku hayaan si qoto dheerna looga doodo si meesha looga saaro kalsooni darrada sojireenka.

4: In qolo weliba qirato khaladaadkeeda taariikhiga ah kana garaabto cabashooyinka dhinaca kale ka tirsanayo, loona xisaabtamo si furfuran o hufan.

5: In la isu celiyo ama la isu cafiyo, la isu magdhabo ama la isku khasiro wixii laga lakala tirsanayo si horey loogu socdo, kani waa qodobka ugu muhiimsan ee ka maqan doodaha dib u heshiisinta soomaalida ee horey loo soo arkey, markii shir la isugu yimaado lagama  hadlo waxyaabaha dhabta ah ee lakala tirsanayo ama la isku haysto ee waxaa laga bilaabaa sidii xilalka loo qeybsan lahaa.

6: In la laabo bogii hore ee ku dhisnaa shakiga wixii dhacayna laga noqdo xalay dhalay, lana abuuro jawi wanaagsan iyado lafurayo bog cusub oo ku dhisan niyad wanaag, kalsooni iyo wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labadan dhinac ee uu soo daashaday dagaalka qabow ee aan dad, dal iyo dowlad midna reebin.

7: In si isu dheellitiran wax loo qeybsado iyadoo dhinacwalba loo tixgelinayo miisaankiisa iyo muhiimadiisa dadeed iyo tan deegaanba, iyadoo tixgelinta koowaad la siinayo danta guud ee dalka iyo so celinta qarankii dumay.

8: In wax laga badelo hungurigaan waallida ah iyo waxqeybsiga labo geesoodka ah ee bulshadda inteedii kale hilmaamay dowladnimadiina macna tirey, oo danta guud ee dalka tixgeliyo

 

W/Q: Abdihakim Diriye.

Nairobi Kenya.

diiriye303@hotmail.com

Facebook/Abdihakim Diriye