Shacabku sidee uga qayb qaadan karaan dadaalada ammaanka Puntland lagu adkaynayo?

Garowe(Puntland Post) Tan iyo markii koox ka tirsan Al-SHabab duulaan kusoo qaadeen xeebaha Mudug iyo Nugaal waxaa korortay dadaalada lagu adkaynayo ammaanka magaalooyinka iyo tan caasumadda Garowe.

Waxaa bilowday howlgalo is-daba joog ah oo habeen iyo maalin laga samaynayo xaafadaha iyo goobaha ay ciidanku ka shakiyaan, Caasumadda Garowe oo ah xarunta ugu muhiimsan ee Puntland waxaa laga dareemayaa howgaladaasi oo wajiyo kala duwan leh, ciidanka ayaa si toos ah iyo si dad-badan u baaraya xaafadaha qaar kood waxayna taasi sii xoojinaysaa in la adkeeyo amaanka iyo dhaq-dhaqaaqa cusub.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir jaraa’id shalay ku qabtey xafiiskiisa ayaa sharaxaad dheeraad ah ka baxshay howlgalada iyo sida ammaanka loo adkaynayo.

Wuxuu sheegay Qarjab inay samayn doonaan ama xaafadaha looga baahan yahay inay sameeyeen xafiiska kireynta guryaha taasoo sahlaysa in lala socda cida xaafadaha ku cusub iyo cida ka baxaysa, sidoo kale wasiirka Amnigu waxa uu sheegay in gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalooyinka Puntland looga baahan yahay inay dadka ay qaadayaan magacooda iyo meesha ay ku socdaan qoraan kuna soo war galiyaan laamaha ammaanka si looga war qabo qof kasta oo safar ah meesha uu ku wajahan yahay.

Tilaabooyinka lagu adkaynayo ammaanka ayaa waxaa soo dhaweyay shacabka kuwaasoo ku tilmaamay inay muhiim tahay in geed dheer iyo mid gaaban loo fuulo sidii nabadgalyada looga wada shaqayn lahaa.

Shacabka Puntland ayaa looga baahan yahay inay saaxiib dhow la noqdaan laamaha ammaanka si ay u fududaato in gacanta lagu dhigo dambiilaha iyo kan doonaya inuu ammaanka wax u dhibo, sidoo kale gudoomiyaasha xaafadaha magaalo walba waxaa laga doonayaa inay xooga saaraan inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa cida xaafadaha ku cusub iyo kuwa ka baxaya.

Puntland ayaa lagu ammaanay siday uga adkeetay kooxdii Al-Shababka ka tirsanaa ee weerarka kusoo qaaday xeebaha, waxaana kaalin weyn ka qaatay shacabka oo la garab taagaa saadka noocyadiisa kala duwan sida cunto, biyo iyo dhar, waxaana taageerada shacabka ka mahad celiyay madaxwayne Gaas iyo taliyaha ciidanka difaaca Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Ugu danbayntii Shacabka ayaa looga baahan yahay inay booliska kusoo war galiyaan cid walba oo ay ka shakiyaan si dabo gal loogu sameeyo, waxa kale oo shacabka looga baahan yahay inay xaafadaha iyo goobaha mugdiga ah ku xiraan layrar taasoo fududayn karta in laga hortago wax kasta oo goobaha mugdiga ah lagu samayn lahaa.

ALL-AMNU WAL-IIMAAN.

PUNTLAND POST