Real Madrid iyo Manchester City ooWareega Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga iska xaadiriyay

Real Madrid ayaa dhinaca kale u dhigtay natiijadii guuldarada ahayd ee ay kulankii lugta hore ay kala soo kulantay kooxda Wolfsburg waxaana guushan wayn Real Madrid ka caawiyay halyayga kooxdeeda Cristiano Ronaldo oo noqoday xidiga sameynwen ku yeeshay kulanka isaga oo saddexley Madrid ugu soo saaray afar dhamadka Champions Leaque-ga.

Real Madrid ayaa kulan si wayn loo sugayay Santiago Bernabue ku soo dhawaysay kooxda ree Germany ee Wolfsburg oo kulankan iskeentay iyada oo 2:0 Los Blancos ku soo garaacday kulankii Germany ka soo dhacay todobaadkii hore. Real Madrid ayaa doonaysay in ay dhinaca kale u dhigto natiijadii kulankii hore isla markaana waxay raadinaysay wax kasta oo ay ugu soo bixi karto wareega afar dhamaadka Champions Leaque-ga.

Daqiiqadii 15 aad Real Madrid ayaa goolka furitaanka ee rajadeeda soo celiyay udhaliyay Cristiano Ronaldo dos Santos kaas oo si fiican uga faa’iidaystay qalad wayn oo ay sameeyeen difaaca Wolfsbrug kadib markii uu Carvajal kubbad soo hormariyay goolka Wolfsburg, dhawr difaac oo Wolfsburg ah ayay kubbad si sahlan iskaga dhaaftay waxayna goolka hortiisa ugu tagtay Ronaldo kaas oo markiiba kubbada dhamaystiray, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Madrid goolka hore kula timid.

Mar kale ayaa Daqiiqadii17 aad Real Madrid heshay goolkeeda labaad Cristiano Ronaldo dos Santos ayaa markale soo laabtay si uu kooxdiisa ugu dhaliyo gool muhiimadiisu ay tahay xili ciyaareedkii Los Blancos, wuxuuna markan gool qurux badan ku dhaliyay kubbad uu  Toni Kroos ka soo tuuray koorno.Ciyaarta ayaa markan noqotay 2:0 ay Madrid kula timid barbaraha natiijadii kulankii hore.

Ugu danbayntii Daqiiqadii 77 aad Real Madrid ayaa heshay goolkeeda saddexaad ee ay bartilmaameed sanaysay si ay ugu soo baxdo wareega afar dhamadka Champions Leaque-ga waxaana markan indha aduunka xaday  Cristiano Ronaldo dos Santos kaas oo markan gool aad uqurux badan  dhaliyay kubbad laaga xorta ah oo uu si fiican uga dhex saaray safka ciyaartoyda Wolfsburg oo goolkooda ilaalinayay, wuxuuna sidaa markale ku keenay goolka saddexaad ee Madrid isaga oo markan dhamaystirtay saddexlaydiisa kulankan.

                         Manchester City VS PSG

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku garaacday kooxda PSG si ay u sii wado taariikhada cusub ee ay kooxdeeda u samaynayso xili ciyaareedkan, waxayna City iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions Leaque-ga oo ay markii ugu horaysay taariikhda kooxdeeda soo gaadhay.  Kevin De Bruyne ayaa Sky Blues ka caawiyay in ay PSG banaanka uga tuurto ka dib markii Daqiiqadii76 aad Manchester goolka guusha u dhashay Kevin De Bruyne kaas oo muujiyay sababtii ay Sky Blues lacagta badan uga soo bixisay, wuxuuna gool qurux badan kooxdiisa ugu dhiibay hogaanka isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 isla markaana ay kooxda Pellegrini sii wadato Champions Leaque-ga. Man City iyo Real Madrid ayaa noqday kooxihii ugu horeeyay ee boos ka helay afar dhamaadka champions Leaque-ga.

 

C1 C2 C3 C4 R1 R2 R3 R4
PUNTLAND POST