WAR-DOONKA SOOMAALIYEED!

Canon-XF105-backQaab adeega war-doonka xorta ah ee dunida waa Istaraatiijiyad u jihaysan xog-raadin cayiman oo ahmiyad weyn loo arkayo soo bandhigeeda iyo macluumaadka la xidhiidha, badi wariyaasha Soomaaliyeed waxay sameeyaan sheekooyin maalmeed iyo dhacdooyin wareed ay tebintoodu ku koobnaato hal wakhti oo qudha, wararka ay soo bandhigaan saacadaha isku mid ka ah Tv-yada, Idaacadaha, Websiteska iyo wargeysyada Soomaalida ee aan badneyn kana soo baxa magaalooyinka qaar ee dalka Soomaaliya ayaa laga dheehan karaa in sheekooyinka ay xambaarsanyihiin Dhamaan ay yihiin kuwo isku wada mid ah oo aan kala duwanaasho jidhin, waxaana taasi ugu wacan in War-doonka Soomaaliyeed lagu casumo xafladaha, shirarka iyo waxqabadyada dawliga ama urur ee loo soo bandhigo saxaafadda  isla markaana wararku ka sameeyaan, hadaba si aanu wariyuhu su’aalo iyo is weydiin ugu dhalan waxaa maamulada warbaahinada lala soo gala heshiisyo lagu dhaqaalo siinayo tebinta warkaas, xitaa Mararka qaar ayaa wariyaha laguala balamaa hagaaji sheekada isagoo in lacag ah jeebka loogu ridayo.

Haba noqoto arintaan daruuf looga faa’iideysto warbaahinta gudaha hadana waxay indho iyo dareen la’aan dhigtay war-doonka soomaaliyeed oo ay gabi ahaan ka lumisay damiirkii hufnaanta iyo hal-abuurkii xog-raadin ee uu ku soo saari lahaa baaritaano iyo dabo-galo xirfadeysan oo uu ku sameeyo xaaladaha jira iyo wacyiga ka daahsoon bulshada si ugu yaraan loogu xal helo arimo badan oo wax tari lahaa Horrumarka iyo difaaca danaha shacab ee loo wada adeegayo, Tix-raac la’aanta dhacdooyinka waxay sababaan in wariyaha iyo Bulshadiisuba aanay helin faham kaga filan waxa dhacay iyo saameyntooda, mararka qaarna waxaa suuro gal ah in aragtida iyo aqoonta wariyuhu  aanay gaadhsiisnayn heerka xulashada iyo qiimeynta noocyada sheekooyinka ku haboon baahin maalmeedka ama bandhig todobaadlaha.

Si uu wariyuha Soomaaliyeed u xiiso geliyo dadweynaha waxaa uu ku fikiraa kali ah inuu helo qodob siyaasadeed lagu kala duwanyahay si uu siyaasiyiin kala duwan uga wareysto, laakiin taas waa caado ay wadaagaan dhamaan warbaahinta Soomaaliyeed, lama garanayo sababta uusan wariyuhu ugu fikirin in uu soo bandhigo xogo cusub oo u gaar noqda hay’adiisa warbaahineed taasna ay ka xiiso badantahay xogta ay 20-kale oo warbaahineed oo la mid ah ay baahinayaan, Micnaha sheekada iyo nooca xogta ayaa xiiso geliya dadweynaha loo soo tebinayo, waana sida ay warbaahinta magaca leh ku hanteen kalsoonida dadka ay la hadlaan, ka hadalka iyo ku celcelinta waxa loogu yeero hadal heyn dadweyne oo aan laga sameyn Karin ogaal iyo xog dhameystiran waa mid ka mid ah sababaha jahwareeriya fikir umadeedka iyo talo wadaaga ku haboonaa bulshada.

Marka ay warbaahintu leedahay siyaasad xulasho iyo xog baahin oo qoran ama uu wariyuhu leeyahay khibrad, hal-abuur, aqoon iyo  karti uu u mari karo xog-raadinta iyo kala doorashada saameynta dhacdooyinka wuxuu si fudud u qaban karaa shaqooyin adag oo baraarujin iyo waxbarasho u yeesha dadweynaha.

Tusaale Nagu Filan:-

Jamaal Cusmaan, waa wariye Soomaaliyeed oo ka tirsan tv-ga Chanel4 ee Britten, waana saxafi madaxbanaan oo hindisay warbaahinta Dalsoor si uu ula wadaago dadkiisa soomaaliyeed xogaha ka qarsoon ee ay war-doonka gudaha ka indho xidhanyihiin, marar badan ayuu Qalinkiisa ku difaacay qadiyadda Umadeed ee Soomaaliya isagoo si xirfadeysan u beeniyay sheekooyin been abuur ah oo ay wariyaal ajaanib ah ka sameeyeen arimo la xidhiidha dalka iyo dadka soomaaliya, Jamaal wuxuu in ka badan labo jeer ku guuleystay abaal-marin caalami ah oo lagu siiyay xog-raadintiisa iyo soo bandhigiisa wanaagsan.

Inkastoo aan wada tusaaleyn Karin dhamaan warbixinadiisan hadana waxaan xusayaa kuwooda aniga iyo wariyaal badan oo soomaaliyeed ay aad ugu riyaaqeen ahna warbixinadiisii u danbeeyay oo cinwaanadoodu ahaayeen sidan: 1- ( Dib u gumaysiga Soomaaliya – Recolonising Somalia), ka eeg linkgan https://www.youtube.com/watch?v=d4jU0uAW7Lc, 2- NGO-yada shisheeye iyo takooridda Soomaalida – International NGOs discriminating against Somalis. ka eeg linkgan  https://www.youtube.com/watch?v=zHGpgxiJAm8, hadii aad u baahantahay ogaalka in ka badan labadan sheeko ee aan soo xushay waxaad warbixinada Dalsoor ka daalacan kartaa Barta youtube-ka ay ku leedahay ama riix link-gan https://www.youtube.com/channel/UCnRuIM4fRh7sg2Do82opvhQ .

Waxaan usoo xushay labadan sheeko waa warbixino loo huray wakhti, dadaal iyo Qarash badan si ay  Bulshada Soomaaliyeed u ogaato xaqiiqaha jira meel kasta oo ay joogaan, dadkuna ogaal iyo faham buuxana uga helaan xogaha noloshooda quseeya ama xidhiidhka la leh deegaanadooda ama dalkooda, hadaba Baahinta dalsoor ka dib waxaa ay sheekooyinkaan micno u sameeyeen fikirka dadweynaha Soomaaliyeed waxayna noqdeen sheekooyin kuwii ugu xiisaha badnaa ee uu wariye xirfadle ah ka sameeyo sanadahan arimaha Soomaaliya waliba hab u gaar ah ama la yiraahdo ( Exclusive Reports). Tayada saxfiga wanaagsan waxaa ay dhistaa garaadka bulshada mar walbana shaqada uu hayo wariyuhu waa mid difaacda ama hormarisa danta guud ee Umadiisa. ( U sheeg bulshada xog rasmi ah si ay ayagu uga go’aan qaataan).

Mahan Ujeedada Qoraalkeyga in uu Jamaal Cusmaan yahay kali ah wariyaha awooda inuu tayo iyo shaqo hufan la yimaado ee waxaan usoo hal qabsaday guud ahaan wariyaasha Soomaalida ah ee dunida meel kastaba ka jooga ee la yimi sifaha xirfad saxaafdeed oo u hiil noqotay diinta, dhaqanka iyo karaamada umadeed ayagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee saxda ah, waxayna arimahan daruus ama dhiiro gelin u noqonayaan habka shaqo ee warbaahinta madaxa banaan iyo war-doonka soomaaliya.

Gebo-Gebo

Si ay wariyaasha tirade badan ee soomaaliyeed ugu helaan awood iyo fursad ay ku soo bandhigaan sheekooyinka wax-tarka leh ee noocaan ah waxaa lama huraan ah in lagu loolamo hal-abuur iyo xog-raadin sax ah lagana gudbo dabeecadaha curyaamiya kartida iyo xirfadyahanada saxaafadda ee maaweelada ku soo koobay adeega warbaahinta madaxa banaan iyo tan dawliga ah. Waa muhiim in saxaafaddu la timaado door wanaagsan oo u muhiim ah danaha shacabka iyo midnimada Qaran ee la baadi doonayo,  sidaa darteed way adagtahay in saxaafad fikirkeedu uu dib u dhac ku jiro ay ka qeybqaadato horrumarinta iyo xasilinta dal iyo dadkisa oo uu waajib ka saaranyahay,  caqabadaha  haysta maanta saxaafadda  Soomaaliyeed ee xal u helida u baahan ayaa ka mid ah:-

1-      Qaadashada laaluushka wariyaha ee loogu yeero Sharuur-ka, ( Tani waa sababta ugu weyn ee habsan ka dhigtay doorkii looga fadhiyay Saxaafaddu inay ka qaadato dhexdhexaadnimada iyo xog-siinta hufan ama isku dheeli tiran ee dadweynaha.

2-      Aqoon la’aanta wariyaasha ( waa lama huraan in wariye kasta uu wax baro naftiisa si uu tayo ula yimaado).

3-      In ay hay’aduhu warbaahintu yeeshaan Siyaasado qeexan oo ku cad noocyada xogaha ay baahiyaan iyo Qaab xulashadooda, ( Warbaahin badan ayaan laheyn haatan xitaa Tifaftire joogta ah oo faafreeba wararka ka baxaya, lkn warbaahin kasta wey leedahay Agaasime iyo koox suuqgeyn ah oo dad badan ka kooban!).

4-      in la helo wariyaal shaqsiyad iyo masuuliyad mudnaan leh la yimaada si ay u kalsooni gasho dadweynaha.

5-      In saxaafaddu aysan noqon mid wax lagu shubto ama la marsiiyo ee ay noqoto mid dabo-gal iyo gudasho waajibaad cad leh.

W/Q:- Mahir Jamac Adam

Maahir.jaamac@facebook.com

Twitter @JamacAdam

Email:Mahirjamac@gmail.com