Kalsoonida nafta – W.Q: Samsam Said Mohamed

Samsam Said Mohamed

Lecturer: Mogadishu University, Bosaso- Campus

Samsamsaidali@gmail.com

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu , bacda salaam , mahad oo dhan illahay ayey u sugnaatay inaga dhigay dad muslim ah inoo dhamaystiray nimcooyinkiisa , waxaan mahad gaar ah u celinayaa waalidiintayda qaaliga ah sida ay iigu barbaariyeen diinta islaamka , iigu caawiyeen hormarinta naftayda iyo kor uqaadida akhlaaqda wanaagsan waxaan leeyahay illahay adduun iyo aakhiraba wanaag haydinku abaal mariyo , waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa hooyaday xaawo axmed oo ah furaha guushayda marwalbana ila garab taagan dhiiri gelin iyo dhoola cadayn aan dhamaad lahayn, waxaan sidokle umahadcelinayaa dhamaan ehelkayga , qaraaaaabadayda , asxaabtayda iyo dhamaan akhristayaasha maqaalkan aan ugu magacdaray

KALSOONIDA NAFTA.
Kalsoonida nafta: waa in qofku dareemo qiimaha ay nafta iyo noloshu uleedahay,ama naftiisu u leedahay waxyaabaha ku hareeraysan markaasna kalsoonida u turjumo dhamaan dhaqdhaqaayadiisa iyo hab dhaqankiisa isagoo aan khilaafayn caqliga iyo dhaqamada hufan oo aan dareemaynin argagax iyo naxdin midna, dhaqamadiisa ayaana xukuma ee ma aha kuwa loo yeeriyo ama loo sheego Marka uu wax qabanayo wuxuu adeegsadaa awoodiisa aqooneed,hawlkarinimo iyo wax qabad.

In aad naftaada ku kalsoonaato ma aha wax lagu micneyn karo in aad isla weyntahay ama aad isla qabweyntahay.
In aad isku kalsoontahay waa muujinta iyo ku dhiiranaanta soo bandhigidda fikradaha maankaaga ku keydsan, addiga oo huba arimaha aad ka hadal is leedahay asal ahaantood iyo guud ahaantoodaba.
Kalsoonida nafta waxa ay kugu dhiirrigalisaa in aad soo bandhigto fikirkaaga, wadaagnna aad galin karto, talo wadaag kolkii ay noqotana aad talada tii saxda ah ee waddarta guud ay isku raacaan in aaddan ka biyo diidin.

Waa maxay kalsoni daradu:
1. in uu qofku naftiisa ka dhaadhiciyo kolka horeba,in anu waxba qaban karin .
2. in uu iska dhadhiciyo , in u yahay qof liita oo an dadka la janqadi Karin.
3. In uu noqdo qofka baqa so bandhigida fikirkisa
4. In u ka baqo ka jawaabista su,aalaha uu garanyo
5. In uu hamigisa ka tanaasuulo, isaga oo ka baqanaya guul daro ku timada.
6. Wuxu ka baqa guuldarada taas oo keenta inuusan isbedel ku samayn iyo horumar naftiisa,

MUHIIMADA KALSOONIDU ULEEDAHAY NAFTA.
 Waxay qofka dhaxalsiisaa dhaqamo toosan lana jaanqaada xaaladaha ku hareeraysan noloshiisa.
 Kalsoonida naftu waxay qofka ka ilaalisaa dhaqmada cadaawada iyo aargoosiga.
 Qofka naftiisa ku kalsoon wuxuu awoodaa helida khibrad nololeed, barashada dhaqamo iyo xirfado iyo inuu si fudud u guulaysto kana dheeraado guuldarada.
 Kalsoonida naftu waxay qofka dhaxalsiisaa aragtiyo shaqo, howl karnimo iyo cusboonaysiin qaababkiisa wax qabad.

Hadaba Kalsoonida nafta wexey qofka usuura gelisaa inuu la qabsado deegaanka ku hareeraysan haday noqonlahayd qoyska, shaqada iyo saaxiibadaba, inuu nolosha dhex dabaasho kana qayb qaato taas oo sababta inuu guul ku gaadho.

Kalsoonidu waxay qofka ka dhigtaa mid mutawaadic ah aqoona u leh heerka uu bulshadiisa ka joogo waxayna qofka dhaxalsiisaa horumar joogta ah kaaso ka dhasha dulqaadka iyo dadaalkiisa.
Wuxuu qiimeeyaa noloshuu ka soo gudbay wuxuuna daahfaydaa mustaqbalkiisa wuxuu ku kalsoonyahay naftiisa kuna farxaa guulihiisa una hanqal taagaa mustaqbal fiican.
Kalsoonida naftu waxay u baahantahay in qofku aqoon buuxda uleeyahay naftiisa iyo xaaladiisa caafimaad, rumeeyana naftiisa isaga oo aan xaqiraynin ama waynaynaynin,shaqsiyan sida uu yahay ama qaab abuuritaanka Alle.

Qofku sidee ayuu kalsoni u abuuran kara maxase looga bahanyahay in uu sameyo.
1. Qofku in uu unoqdo Allehii Abuuray isna waydiiyo maxaa laguu abuuray FAA’IDO MISE KHASAARE U JOOG.waa in uu Alle ku xidhnaadaa oo uuna ka caajisin wanaaga Alle faray xumaantan ka dheeraadaa.
2. Raja sami ku noolow wakhti kasta wanaag ku muuji wax kastoo ka dhaca hareerahaaga, iyo hiigsihaga nololeed.
3. Waa in uu qofku runta isku sheegaa oo kabaxaa khiyaaliga uu tusaayo Nafta run ka sheeg ujeedooyinka aad u nooshahay iyo wax qabdkiisa nolol maalmeed.
4. Ku kal soonow wax aad samayso si Dareen fiican aad ugu lahaatid isbadalka hab dhaqanka noloshaada ama waxa aad samayndoonto.
5. Naftaada Bar sida loo dheho (maya iyo haa), wixii aadan niyad ama waqti u hayn.kana dhaadhici oo ha is odhan dadku way ku nici taasi waa haaa iyo may, waxay dadka tusaysaa in dadku ku fahmaan oo la ogaankaro qof oran kara erayga MAY iyo haa.
6. Fikradahaaga iyo wax qabadkaaga cadee oo tus dadka kana dhaadhici ama iibgee oo ismuuji in aad tahay qof lagu xisaabtamaayo oo la dareemi karo marka aad maqantahay iyo marka aad joogtidba
7. Ahow qof nool muuji dareenkaaga dhegeyso, naftaadan la sheekayso taas macnaheedu wax weeyi maskaxdaada kaasho adigoo dagan.
8. Nafta ha mashquulin oo dadku wax ay kaasheegaan haku mashquulin sababtoo ah wakhti ayaad iska luminaysaa kana faa’idayso wakhtiga aad haysato mar uuna ku soomarayn ayaa imanaysa.
9. Noqo Qof isku kalson , fikradaha dadka kale hayska qaadan markaba Balse is barbar dhig samee qiimayn si ay kuu tusto in kaagu kafiican yahay ama kani kaafiican yahay oo aad fikir kale oo fiican raadisaa.dhiibona firikaaga kulamada aad ka qayb gasho ama marka aad la joogtid asxaabtaada.
10. Ku dadaal in aad naftaada Qanciso, raalina ka noqo xasiloonidana ilaali noloshaadana wanaaji oo ku dadaal sidii aad qayrkaa wax ula qabysan lahayd.

DHIBAATOOYINKA KEENIKARA KALSOONI DARADA.
* Hoos u dhaca maskaxda iyo Isku dhexyaaca dhanka fikirka.
* Aqoon la`aanta, ilowga badan iyo guul daro shaqo.
* Macsida faraha badan iyo Alle ka cabsi la`aanta qofka oo siyaada.
* Firfircooni la` aanta iyo dhexgal xumida bulshada taasoo uu shaydaankuna ka faa’idaysto

By: Samsam Said Mohamed
Master of Economic Policy and Planning
Lecturer: Mogadishu University, Bosaso- Campus
Email: Samsamsaidali@gmail.com