Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo Garoowe soo gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Tedros-Adhanom ayaa Garoowe u yimid si uu goobjoog uga noqdo heshiiska habka doorasho ee la filayo in ay kala saxiixdaan Puntland iyo Federaalku.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom Isha sawirka: Wakaaladaha/Addis News

Garoowe, Puntland Post — Waxaa goor dhoweyd Garoonka Diyaaradaha ee Kanoko oo Garoowe u jira 40km ka soo degay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Edros Adhanom, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Madaxda Puntland iyo dadweyne aad u tira badan.

Wasiirkaan oo imaanshihiisa maalmahaan la hadal hayey ayaa loo badaniyaa waxyaabaha uu u yimid in ay ka mid tahay in uu goob joog ka noqdo heshiis rasmi ah oo ay wada gaareen Dawladda Puntland iyo tan Federaalka oo maalmihii u danbeeyey ay wada hadallo ku aaddan hannaanka doorashada sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya uga socdeen magaalada Garoowe.

Wufuud Garoowe ku soo qulqulaya

Xubno kale oo ka socda Urur Gobaleedka IGAD, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale ayaa sidoo kale maanta soo gaaray caasimadda Puntland, si ay markhaati uga noqdaan heshiiska lagu kala saxiixanayo maanta caasimadda Puntland.

Lama oga inta uu wasiirku ku sii sugnaan doono caasimadda, balse, waxa aad faahfaahinta warkaan kala socon doontaan warbaahinta Puntland Post.

Puntand Post