Nootaayooyinka diiwaan gashan oo tababar loogu qabtay magaalada Garowe

GAROWE-(Puntland Post) Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta lagu qabtay aqoon is-waydaarsi la xiriira shaqada Nootaayooyinka ka diiwaan gashan dowladda Puntland, waxaana soo qaban qaabintiisa iska kaashaday wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Cadaaladda.

Waxaa lagu baranayaa tababarkan qaabka wada shaqaynta ee ka dhaxaysa wasaaradda Maaliyadda iyo xarumaha Nootaayooyinka Puntland, barnaamijkan waxaa ka soo qayb galay mulkiilayaasha xarumahan iyo dad aqoon sare u leh arrimaha Nootaayada iyo sharuucda lagu maamulo.

Ugu horayntii kullankan waxaa ka hadlay agaasimaha waaxda canshuuraha bariga Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) wuxuuna sheegay masuulkan inay ku faraxsan yihiin kulankan dhexmaraya madaxda Nootaayooyinka, wasaradda Cadaalada iyo Maaliyadda wuxuna tilmaamay inay ahmiyad gaar ah siinayaan sidii looga shaqayn lahaa xaqiijinta sharuucda ay ku shaqayaan xarumahan ku waas oo noqday mid lagu kalsoonan karo.

Wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay Nootaayooyinka inay muhiimad balaaran ugu fadhido dalka, balse waxa uu qirau in loo baahan yahay in la ilaaliyo canshuurta iyo hantida umadda loo kala wareejinayo taasoo laga doonayo inay noqoto wax diiwaan gashay oo meel loogu hagaago oo saxan leh.

Wasiirku waxa uu sheegay in aqoonsi loo sameeyo Nootaayada buuxisay safiyooyinkii looga baahnaa, wuxuna tilmaamay inaysan raali ka noqon doonin xarun si gaar ah loo furto taasoo aan soo marin nidaamka sharciga ah.
_DSC1897

_DSC1898

_DSC1899

_DSC1902

_DSC1904

_DSC1911

_DSC1914

_DSC1915

_DSC1917

_DSC1920
PUNTLAND POST