Wakiilka midowga Afrika oo ku baaqay in ciidan xooggan loo dhiso Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Post)-Wakiilka midowga Afrika u qaabbilsan dalkeenna,Francisco Madeira ayaa ku baaqay in ciidan awood leh loo dhiso Soomaaliya, isagoo dowladda , shacabka iyo AMISOM u soo jeediyay inay kaalin ka qaataan soo noolaynta xoogga dalka.

Danjiraha ayaa sidoo kale soo jeediyay in ciidanka difaaca Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ay yeeshaan iskaashi wada-shaqeyneed oo buuxa, si looga tallaabo caqabadaha ku hor-gudban dib u soo celinta nabadda iyo xaasilloonida guud ee dalka.

Hadalkaan, ayuu wakiilku ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay taliyeyaasha qaybaha hawl-galka AMISOM,saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa laamaha ammaanka,shirkaasoo looga dooday sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada waddanka.

“Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed way og-yihiin dhibaatooyinkii uu dalkoodu soo maray, Sidaa daraadeed, si loo burburiyo Argagaxisada Waddankanna Nabaddii hore loogu soo celiyo waa in xil weyn la iska saaro dhismaha ciidamo Awood leh oo hanta Ammaanka guud ee Somalia,” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Danjire Madeira;ayaa xusay in aanay Muhiimadda ugu weyn ahayn xilligaan in lagu guuleysto dagaallada lagula jiro Al-shabaab, laakiinse waxaa loo baahan yahay in laga fikiro isbedello lagu sameeyo xoojinta Ammaanka Mustaqbalka Soomaaliya.

“Ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh, Tababaran, isla markaana aad u qalabeysan oo ay Caawinayaan Ciidamada AMISOM ayaa ah tan keliya ee lagu gaari karo in Soomaaliya oo dhan ay soo gasho gacanta Dowladda federaalka ah, Al-shabaabna laga saaro Deegaannada ay gacanta ku hayso… Ciidamadaasoo ah kuwa la Wareegi doona Amaanka guud ee Dalka Somalia markii uu dhamaado xilliga howlgalka ciidamada AMISOM,” ayuu Hadalkiisa ku daray Danjire Madeira.

Wakiilka midowga Afrika ayaa si weyn ugu nuux-nuuxsaday in dowladda federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo saaxiibbada beesha caalaamka ay ahmiyad weyn siinayaan sidii ciidammo cudud leh loogu unki lahaa dalka.

Midowga Afrika iyo dhammaan waddamada beesha caalamka ayaa marar badan isla soo qaaday sidii loo tayayn lahaa ciidamada kala duwan ee Soomaaliya,ha yeeshee anan dhicin,iyadoo taasii beddelkeedana la keeno xoogag shisheeye oo iyagu ku qaata lacago aad ugu badan tan uu qaato askariga Soomaaliyeed.

wakiil8 wakiil7 wakiil6 wakiil5 wakiil4 wakiil3 wakiil2 wakiil1