Shirkii Garowe : Saansaan muujinaysa in dowladnimo la holiyay.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Freelance Journalist

alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Waa arrin la fahmi karo waxa iyo natiijada uu ku dhammaaday shirkii Garowe ku dhex maray maamulka Puntland iyo, wakiillada Qarmmada-Midoobay (QM) iyo safiirrada dowladaha daneeya Soomaaliya, sida muuqatana waxay natiijadaas iftiiminaysaa sida kooxahaas wax kasta ugu saleeyeen oo keliya yaa danaheenna u adeegaya isla markaasna aysan jirin innaba ha yaraatee wax wanaag ah oo ay inoo hayaan oo aan ahayn inay danahooda innaga fushadaan annagoo taag daran, oo aan diidi karin waxa innagu xun, waxayna taas u soo marayaan iyagoo talada dalkeena gacanta u gelinaaya kuwo innaga mid ah oo nooc imaan daran ah oo burburkeena inay ku lacagaystaan raba.

Bal is weyddii oo adiga ka jawaab, sanadkii 25aad ayaan ku jirnaa colaado, burbur dhan kasta, is af-garad la’aan, shirkado iyo dowlado ay boob iyo dhac khayraadka dalka ku hayaan, marka maalin kasta qolyahaas shirar bay qabtaan, wax baan deeq bixinaynaa bay sheegaan, wax baan heshiisiinaynaa bay sheegaan, wax baan maamul wanaag dad u taba-baraynaa bay yiraahdaan, xuquuqda dumarka baan u dagaalamaynaa bay yiraahdaan, barnaamijyo magacyadaas beenta ah wata mooyee maxaad kaloo ka haysaa?! Balse 25kaas sano maalin keliya ha ahaatee wali ma haysaa wufuudda Garowe tegay dowladahooda mid ka mid ah ama QM iyagooka hadlaya biyaha Soomaaliya tuugada sharci darrada uga kaluumaysanay ama xataa cambaarayn u jeedinaya?!.. waa waxa ugu yar oo ay inoo qaban lahaayeen, maxay uga aamusanyihiin, kii oran lahaa “Sidaas idinkama mudnin ” waa Xasan SHiikh Max’ud kama hadli karo oo iyagii buu intaas laaluush uga dhigayaa oo ma sheegi karo, markaasaa Michael Keating ku leeyahay “..Annaga talo kuma lihin nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya yeelanayso!” oo haddee yuu u sheegayaa?!

Mgaallada Muqdisho waxaa iska dhistay oo sal-dhigyo ciidan ka samaystay qaar ka mid ah dowladaha waaweyn, shirkado shisheeye ah, iyo waliba shakhsiyaad ganacsato ah oo aan cidna rukhsad ka haysan, Xasan SHiikh Max’ud kama hadli karo, Jawaari kama hadli karo, wax kale ma aha ee annaga wax innagama rabaan ee kuwaas bay ka rabaan inay talada dalka u dhiibaan ama ku hayaan! 275ka culayska keliya u jooga ee xil-dhibaannada aan u naqaan kama hadli karaan, malaha waxay ka baqayaan inay mushaar waayaan,inay gaajo u dhintaan, inay… maxay ka baqayaan?! Jawaari inuu mushaarka u diido, hadda dadkii soo wakiishay oo ay u dhaartaan, oo xilka u dhiibtay, iyagaba mushaar ma qaataan, qaarkood waa Bara-Kacayaal oo hoy ay galaan ma leh…dhibaatadaas haysata shacabka adeegga ka sugaya dan kama laha, haba yaraatee wax ay la wadaagaan ma jirto!,….marka hadddii ay arrintu sidaas tahay dadku waa inay tashtaan, maamullada jiraa waa inay ku dhiirradaan inay buuxiyaan kaalimaha ay dayaceen dadkii mas’uuliyadda iyo tallada dalka loo dhiibay, waana la joogaa waqtgeedii, tallaabada ay Puntland qaadatayna waxay ahayd mid aad muhiim u ah, Himmad cusubna gelisay mujtamaca Soomaaliyeed.

Tallaabada iyo go’aanka Puntland waxay shaki geliyeen Michael Keating iyo saaxiibbadiisii la socday oo loo soo aqriyay inaysan Soomaalida waxba rumaysnayn oo wax yar lagu qancin karo, waxayna meesha ka saartay wax badan oo Michael Keating iyo ragga ay shaqada wadaagaan ay isugu soo sheekeeyeen. Aamusnaanta Xasan SHiikh Max’uud iyo saaxiibkiis Max’ed Cusmaan Jawaari ayaa iyada laf ahaanteeda waxaa loo qaadan karaa inay rajo weyn ka qabeen in natiijadu ku soo dhammaato sidii ay qorshayniyeen, balan qaadyana horay u soo faray. Waxaa musuqmaasuqa iyo balada la soo mareegay sabeen-xirkii beenta ahaa ee 3xubnood ee dheeriga ah lagu siiyay Puntland iyo Somaliland, kaasoo ay isku raaceen dhammaan Michael Keating, raggii la socday, Xasan SHiikh Max’ud Max’ed Cusmaan Jawaari, Cumar Cabdi-Rashiid SHar-Ma-Arke, Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, iyo SHariif Xasan SHiikh Aadan, in sabeen-xirkaas laaluush ahaa goormaan araganay intii uu burburka dalku ku dhacay Soomaali dheeri iyo karaamo isu oggol, waa dhici kara lahayd Xasan SHiikh inuu Somaliland wax un u oggolaan lahaa sida aan ka baranay siyaasaddiisa intii uu xafiiska joogay, laakiin Puntland?!….waana qaabka ay duulaanka ku soo galeen Michael Keating iyo wafdigii la socday.

Michael Keating sida uu u dhaqmay ma ahayn in wax ka khaldameen, laakiin waxay u ekeyd inuu raacay wax diyaarsanaa iyo nidaam uu ka dhaxlay Nicholas Kay oo sida lagu xanto ahaa nin ay Xasan SHiikh Max’uud wax qaybsadeen, siyaabo badan oo khilaafsan dastuurkan wax badan Xasan SHiikh Max’uud ugu meel mariyay, sida in maamul aan labo gobol gaarin loo aqoonsado maamul goboleed, in magaallada Gaalkacyo oo muddo dheer hoos joogtay maamulka Puntland isagoo aan ka talo gelin maamulkii yiraahda maamul kalaan ku darnay, iyo waliba inuu talo kasta ku dhameeyo sida Xasan SHiikh raali gelinaysa isagoo aan haba yaraatee wax tix gelin ah aan siinayn wax kasta oo ay Soomaalida ku heshiisay ama talo maamul kale soo jeediyay!… waa hubaal wax weyn inay ka dhexeeyeen Nicholas Kay iyo Xasan SHiikh Max’uud, haba u badnaato in Nicholas uu u arkayay Xasan nin ku haboon inay dowladda Ingiriiska u adeegsato danaha ay Soomaaliya ka leedahay.

Puntland aad baan ugu ammaanayaa inay diideen wax ka baxsan dastuurkii lagu heshiiyay in la raaco, waxaan aad uga yaabay warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaybihii kala duwanaa ee ay la kulmaan Michael Keating iyo safiirradii la socday ay u soo ban-dhigeen shacabka Puntland maamulkooda inay oggolaadaan nidaamka 4.5 taas bedelkeedana loo dhiso gigooyinka diyaaradaha, loo balaariyo dekedda Boosaaso!…..hasa yeeshee ay gaashaanka u daruureen…Yaa?! oo miyaan wixiina aragnayba?! Namaba yaqaanaan, Ninkuu Alle ka dhigay Soomaali nasiib badannaa! Namaba yaqaanaan, u malayn maayo cid kale inay ku maahmaahdo DHereg Gunimo Leh Gaajo Gobanimo Leh Baan Ka Doortay! Waxaa muuqata in Garowe ay ka bilaabatay tallaabadii ugu horeysay ee Soomaalinimmadii iyo qarankii dib loo helo lagu holiyay, waxayna u baahantahay dhamays tir dhan kasta ah, waxay u baahantahay midnimmada shacabka Soomaaliyeed iyo taageerradiisa, iyadoo dhinaca kalana laga rabo reer Puntland shacab weynaha Soomaaliyeed codkooda gaarsiiyaan. Professor Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas, madax-weynaha Puntland, isagana waxaa la gudboon si uu u helo kalsoonida dadka inuu meesha ka saaro tuhunka iyo shakiga faraha badan ay dad badan ka qabaan, oo ay ku jiraan siyaasiyiin badan oo Koonfurta ka soo jeeda, murtiduna waxay ahayd; Waayeel Doodiisa La Garan Waayay Dan Baa U xabaalan!

Qoraalkii Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Puntland Post | Feb 13, 2016