QM oo walaac ka muujisay xaalada Barakacaayasha gudaha Soomaaliya

Nairobi(Puntland Post)-Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda dadka ku barakacay gudaha, Soomaaliya, iyada oo ku baaqday in la helo hab cusub oo lagu taageero barakacayaasha.

U qaabilsanaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqda dadka gudaha ku barakacay, Walter Kaelin ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in xal waara loo helo Dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya.

“Waxaan u baahanahay in xal kama dambeys ah loo helo barakacayaasha, waxaan u baanahahay in aan u helno guryo, shaqo iyo adeegyada kale oo ay u baahan yihiin” ayuu yiri Kaelin.

Sarkaalkaan ayaa hadalkiisa ku daray in la joogo waqtigii la xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya barnaamijyada beni’aadanimo iyo kuwa horumarineed, kuwaasi oo qeyb weyn ka ah xalka dib u dajinta Barakacayasha.

Walter Kaelin ayaa ugu baaqay kuwa ku lug leh, barnaamijyadaasi in ay eegaan xalka lagu caawin karo dadka gudaha ku barakacay iyo sidii Dadkaasi looga caawin lahaa inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay markii hore abaarta uga soo carareen.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tirada xeryahaha barakacayaasha ee Soomaaliya ku sheegtay  ilaa 400,000 kuwaasi oo intooda badan ka yimid gobollada Dalka, sababo la xiriira abaarta iyo colaado isbiirsaday.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Eng, Saalax Sheekh Cismaan, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay iyada oo kaashaneysa Beesha Caalamka dib u dajinta Dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST