Dhalinyarada Puntland OO soo dhaweysay jawaabta Cad ee ay Dowladda Puntland u gudbisay Beesha caalamka

puntland

Dhalin yarada Puntland ayaa ku taageeray dowladda iyo dhamman dhinacyadda ay la kulmeen xubnaha beesha caalamka ee maalmahan ku sugna Garoowe, kuwo oo u gudbiyay inay Puntland aqbasho doorasho ku saleysan 4.5 oo laga soo diiday.

War-qoraal ah oo ka soo baxay dhalin yarada Puntland ee gudaha iyo dibada waxaan si cad u sheegeynaa in aanu ku raacsanahay go’aanka siyaasiinta iyo xukumadii hore Faroole, iyo dowlada puntland, ayaa lugu sheegay iyagoo si dhow la socdeen wada-hadallada u dhaxeeyay beesha caalamka iyo Puntland ee  ku soo dhammaday is afgaran waa inay soo dhaweynayaan, sida ay dowladda mar kale u caddeysay nidamka 4.5 inaysan aqbali doonin

Si dhow ayaan ula soconay oo joogto ah wada-hadallada soo dhammaaday  ee u dhaxeeyay dowladda Puntland, isimada Puntland, siyaasiyinta Puntland, bulshada rayidka ah ee Puntland iyo wakiilada beesha caalamka ee u guddoominayay danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Horay ayay bulshada Puntland iyo dowladdaba u caddeyeen inaysan u cuntumin nidamka 4.5 ee hoos u dhigaya qaranida Soomaaliya dib in loogu noqdo oo dowladda cusub lugu soo dhiso,waxaan si cad u sheegeynaa inaan soo dhaweynayno mowqifka dowladda iyo xubnaha kale ee bulshada Puntland ee ku aadan hanaanka dowladda faderaalka ay dooneyso inay doorashada ku qabato, beesha caalamkana ay ku taageereen inaysan qaadan doonin.

Ugu dambeyn,qoraalka ka soo baxay dhalin yarada Puntland waxaa lagu sheegay inay mar walba u taagan-yihiin taageerrada Puntland iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed,waxaana horay ay dhalin yarada Puntland u hirgalisay mowqifkooda.

Wada jirkeyna waa hormarka dalka