Ciidamada Jubbaland oo soo qab qabtay dad looga shakiyey Qarax ka dhacay Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Post)-Ciidamada Amaanka Jubbaland ayaa dad usoo qab qabtay looga shakiyey  Qarax aan waxyeelo gaysan oo saaka lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi,iyagoo marayey xaafada Afmadow ee Kismaayo.

Howlgalo ku saabsan Qarax ayey ciidamadu ka sameeyeen xaafada uu Qaraxu ka dhacay,waxayna soo qab qabteen dad ay uga shakiyeen inay ka dambeeyeen Qaraxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inu Qarxay markii meesha ciidamada Burundi loo dhigay ay ka gudbeen,mana jirto wax khasaare ah oo la sheegay inuu gaystay.

Dadka ay soo qab qabteen ciidamada Amaanka Jubbaland ayaa lageeyey saldhigyada,waxayna tilmaameen saraakiisha amaanku inay mari doonaan baaritaano ku aadan Qaraxa looga shakiyey.

PUNTLAND POST