Booliiska dalka Kenya oo sheegay inay fashiliyeen weerar laga gaysan lahaa dalkaas

Nairobi-(Puntland Post) -Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar laga gaysan lahaa magaalada Mumbaza ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Francis Wanjohi, ayaa sheegay in kooxda laga shakiyay iney xitaa diyaarinayeen goob la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa oo weerarka loo adeegsan lahaa.

Dhalinyarada ay booliiska Kenya qabteena ayaa lagu sheegay Maxamed Kombo iyo Maxamed Saalim Maxamed,waxayna kamid ahaayeen lix ruux oo booliiska Kenya uu ku raad joogay, kuwaas oo sida la sheegay si qarsoodi ah kusoo galay dalka Kenya,iyagoo ka yimi dalka Soomaaliya.

Laamaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee laga shakiyay ay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana sidoo kale la aamisan yahay iney weeraro kaga geysteen Lamu iyo Mombasa.

Dalka Kenya ayaa sanadadii ugu dambeeyey waxaa ka dhacay weeraro ay gaysanayaan Alshabaab,waxaana madaxda dalka Kenya marar badan lagu dhaliilay amaan darida ka jirta dalka Kenya.

PUNTLAND POST