Sadex ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxay Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho-(Puntland Post)-shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye,waxayna wararku sheegayaan in sadex ruux ay ku dhinteen.

Qof jooga meesha uu ka dhacay shilka labada gaari ayaa sheegay in sadex ruux ay ku dhinteen,wuxuuna intaa ku daray in dhaawacyo uusan sheegin tiradooda loo qaaday xarumaha caafimaadka.

labada gaari ayaa ka kala tagay magaalooyin Muqdisho iyo Afgooye, wuxuuna shilkoodu ka dhacay goolada loo yaqaan SOS ee udhaxaysa labada magaalo.

Dhowr jeer oo hore ayaa goolada ay baabuur maraysay isku dhaceen oo khasaare xoogan ka dhashay,manajirto ilaa hada cid wax ka qabatay,dad deegaanka ayaa ka cabanaya goolada, oo ay shegeen in baabuurta marta ay naftooda khatar ku tahay.

PUNTLAND POST.