Amaanka garoonka diyaaradaha Bosaso oo la adkeeyay ka dib shilkii Daallo

BOSASO-(Puntland Post) Ammaanka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa la adkeeyay wixii ka danbeeyay shilkii diyaarada Daallo ee magalada Muqdisho.

Dadwaynaha ka dhoofaya garoonkan Bosaso ayaa si weyn loo baaray xaaladooda ammaan, waxaana rakaabka diyaaradaha guud ahaantoodba laga reebay waxyaabaha dareeraha ah sida barafuunka, kareemka iyo saliida.

Goobo kala duwan ayaa dadka lagu baarayay xilli aan socdaal shaqo ku tagnay maalinkii shalay (Arbaco).

Taliyaha Airport-ka Bosaso Aadan Muuse Jaamac ayaa sheegay ilaa saddex goobood in dadka iyo alaabtooda lagu baaro, wuxuna dadka ugu baaqay inaysan wax dhibaato ah u arag isla markasna ay si fudud ula shaqeeyaan laamaha amaanka.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso ayaa dhankiisa sheegay inay mar kasta ka go’an tahay ka shaqaynta xaalada garoonka iyo u shaqaynta dadka addeeg sanaya, wuxuuna sheegay in ammaanka oo la adkeeyay aysan wax kale u arag balse ay tahay shaqooyinka laamaha ammaanka.

Adkaynta ammaanka garoomada diyaaradaha Bosaso iyo Hargaysa ayaa yimi ka dib markii qarax lala eegtay diyaarada Daallo oo Muqdisho ka duushay, waxaana weli socda baaritaan la xiriira cidii ka danbaysay iyo siduu falkan ku dhacay.
garoonka
PUNTLAND POST