Wafti uu hogaaminayo ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo Garowe ku soo wajahan

Garowe-(Puntland Post)- Wafti uu hogaaminayo ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Micheal Kitting ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Garowe,waxayna masuuliyiintu u  imaanyaaan inay madaxda Puntland kala hadlaan shirkii Muqdisho ku soo dhamaaday.

Micheal Kitting iyo waftigiisa ayaa la kulmi doona madadaweyne Gaas waxayna ka wada hadli doonaan natiijada shirkii Muqdisho laga soo saaray ee ahayd 4.5 oo Puntland ka soo horjeedo.

Imaanashooda Garowe ka hor waxay la soo kulmeeen madaxda Jubbaland oo ay kala soo hadleen shirkii Muqdisho oo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe saxiixay, inkastoo shacabka qaarkii ka soo horjeedaan.

Lama garanayo waxyaabaha ka soo bixi doono kulanka madaxda Puntland iyo beesha caalamku wada qaadan doonaan, balse waxaaa la hadal hayaa go’aanka Puntland ay qaadan doonto, mar hadii beesha caalamka ay la fariisanayso.

PUNTLAND POST.