Ahlusunna oo sheegtay inay wada hadal la galayn Gal-mudug

Gaalkacyo-(Puntland Post)- maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan la fariisanayn maamulka ay isku hayaan maamulida deegaanada gobolka Gal-gaduud iyo qayb ka mid ah Mudug ee Gal-mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlusunna Prof Cabdullaahi Xirsi Diirshe Daacad oo ka jaaawabyey hadal kasoo yeeray wasiirka arimaha gudaha oo ahaa inay wada hadlaan Gal-mudug iyo Ahlusunna ayaa sheegay inayan Ahlusunna la fariisanayn Gal-mudug,waxaa uuna hadalkiisa ku daray inaysan aqoonsayn maamulka Gal-mudug.

Waxaa uu tilmaamay Prof Daacad in ay marna miiska wada hadalka la soo fariisan doonin Gal-mudug,Ahlusunna iyo Gal-mudug ayaa isku haya maamulida deegaanada gobolada dhexe,wasiirka arimaha gudaha Odawaa iyo madaxweynaha Gal-mudug Guuleed ayaa kusugan degmada Hobyo ee gobolka Mudug,waxaana ka socda dhisita maamul ay yeelato degmadu.

PUNTLAND POST.