Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulan gaar ah la qaaatay Waftigii ka socdey Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Feb-2016 kulan gaar ah la qaata waftigii ballaarnaa ee ka socdey Beesha caalamka ee uu hoggaaminayey wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador  Michael Keating weftigaasi oo maanta soo gaadhay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Waftigan Ballaarnaa ee uu hoggaaminayey,  Danjire Michael Keating ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha Maraykanka Ambassador David KAEPER, Danjiraha Midowga Yurub Ambassador Tom VENS,(Representative), Danjiraha Ingiriiska Ambassador Harriet MATHEWS, Danjiraha Talyaaniga Ambassador Fabrizio MACHELLI , Danjiraha Iswiidhan Ambassador Mikeal  LINDVALL,  Danjjiraha Midowga Afrika Hon Laydia WANYOTO MUTENDE(Deputy SRCC), Danjiraha IGAD Ambassador Mohamed AFFEY iyo  Danjiraha Itoobiya Ambassador Jamaludin Mustafe.

Kulankii gaarka ahaa ee ay wada qaateen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo waftigii uu hoggaaminayey Danjire Mechael Keating ayaa waxay uga wada hadleen mawqifkii ay dawladda Puntland ka qaadatay go’aan kii aan loo dhamayn ee ay hore u qaadatay Dawladda Federaalka Soomaaliya kaas oo beesha caalamkuna hore u taageertay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulankaasi ka jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya, hadalkaasi oo ku qotomey Dawladnimada, Amniga iyo horumarka ay ku tallaabsatay dawladda Puntland, kaas oo kuyimi isku tashiga shacabka iyo Dawladda Puntland, iyada oo aan  gacan buuxda ka helin Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa geesta kale tibaaxay sida Dawladda Puntland ay dagaalka adag ugula jirto argagixisada iyo sida aanay haba yaraatee wax taageera ah uga helin Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Guud ahaaba Beesha Caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u sheegay in Beesha Caalamku  taageeradii dhaqaale iyo ciidan ee ay ku caawin jirtey Soomaaliya ay ku koobtay Magaalada Muqdisho oo keliya, taasina ay ka mid tahay caddaalad darada  saami qaybsi ee Beesha Caalamku kawado Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlayey hannaanka doorasho ee 2016-ka ayaa xusay sida ay Dawladda Puntland iyo shacabkeeda  uga go’antahay  in laga gudbo hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, taas oo Madaxweynaha Dawladda Puntland xusay in 2012-kii lagu heshiiyey in aan dib danbe wax loogu qaybsan habka qabiilka ee 4.5, loogana gudbi doono habka doorashooyinka hal-qof hal-cod oo guud ahaan  dalka Soomaaliya la gaadhsiiyo, hannaankaas oo ay Dawladda Federaalka ee hadda jirta ay ku fashilantay in Soomaaliya ay ka hirgeliso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo la hadlayey beesha Caalamka ayaa sheegay in arrintani tahay mid masiiri ah isla markaana ay shacabka Puntland u taallo ka-go’aan qaadashadeeda iyo wixii ay ka yeeli lahaayeen hannaanka Doorashooyinka ee 2016-ka.

Danjire Mechael Keating oo ugu horaynba uga Mahadceliyey  Dawladda Puntland sida wanaagsan ee ay usoo dhoweysey, ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland uga garaabay hadalladii nuxurka weyn xambaarsanaa ee Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka jeediyey kulanka, isla markaana garowshiiyo ka bixiyey in ay jiraan waxyaabo badan oo sidii la rabey aan u qabsoomin haddana ay beesha caalamku diyaar u tahay in  Dawladda Puntland  lagu tixgeliyo horumarkeeda iyo Dawladda 17sano jirsatey, welibana deeqaha beesha Caalamku bixiso ee lagu soo qaado Magaca soomaaliya ay Puntland Saamigeeda heli doonto.

Danijraha Maraykanka Ambassador David KAEPER,  Danjiraha Ingiriiska Ambassador Harriet MATHEWS iyo kan Talyaaniga Fabrizio MACHELLI oo qayb ka ahaa Danjirayaashi kulanka ka hadlay ayaa iyaguna waxay garawshiiyo sidoo kale ka bixiyeen hadalladii nuxurka weyn xambaarsanaa ee Madaxweynaha Dawlada Puntland uu ka jeediyey kulanka isla markaana waxay sheegeen inay aragtida uu qabo Wakiila Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating  ay iyaguna  la qabaan.

Gebagebadii kulanka ayaa waxay Isku afgarteen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Danjire Mechael Keating in Danjiraha iyo waftigiisu ay kulamo la qaataan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, Isimada, Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta, kadibna maalinta berri ah ee taariikhdu tahay 10-Feb-2016 kulan laysugu soo laabto.

 

—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

IMG_3098 IMG_3118 IMG_3117 IMG_3114IMG_3190 IMG_3187 IMG_3180